Ballan-qaad afka ah….Dib haddaan u aammino (Gorfeynta Barnaamajkii Doorashadii 2010kii ee Xisbiga Kulmiye)

0
102

“Wadaamaha la dawdabay,

Dan-yartay ka maqan tahay,

Raacdadu ma daallana,

Dorraad iyo shalay-jire,

Doorka maanta noo jire,

Dib-u-jire hadhow-jire,

Ninba weel u daray baa,

Deyn loogu leeyahay,

Diiwaanka qarankiyo,

Taariikhdu dug ma leh,”

 

Maansadii Awrka dooh ma lagu yidhi ee Cabdi Iidaan Faarax ee Deelleeydii kuna taariikheysneyd: 7/4/1980kii, Hargeysa,

 

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale, cankaabo@hotmail.com,www.dharaaro.com

Qormada: 11aad

3/1/2015ka Hargeysa,

Beryihii aanu SNM ta ka tirsanayn ee aanu joognay meelo ay ka mid ahaayeen magaalada Diridhabe ayaa subaxdii la isku bariirin jiray: “Barinnaye, ma barideen.” Gelinka hore ayaa sidaa la isku nabdaadin jiray, gelinka dambena waxa la isku salaami jiray: “oollaye, ma oosheen.” Tan iyo maalintii Isniineed ayaynu kala maqnayn, sannad cusubina waa curtay e’’, barinnaye, ma barideen. Taasi waa salaantii e’, ta daneed aynu u soo noqonno Gorfaynteennii Barnaamajkii Xisbiga Kulmiye ee aan la oofin sida ay ila tahay ama iigu muuqato. Cid kasta oo ra’yi iyo aragti taa ka duwan qabtaa, fagaaraha ha is-keento. Waa halkii maansada Gudgude e’: “Waxba yaan isha la igu gubin, gaabsi ma aqaanne.”

Waa Bogga 18aad iyo dhammaadka xaashidaas. Saaxiibbadeennii Kulmiye waxay ku suntadeen Mowduuc aad xasaasi u ah oo run ahaantii u baahan maareyn dhab ah oo dhinacyada dooddu ka dhaxeyso qanciya. Bal aan ku horreynno sida ay u dhigeen iyo baadi-soocda ay mowduucan ku suntadeen: SIYAASADDA XISBIGA EE SOOL-SANAAG BARI IYO BUUHOODLE:

Summadda ay mowduuca ku dhigteen waa taas. Aan hoos u daaddego oo idiin soo minguuriyo wixii ay ka qoreen ee ballan-qaad afka ah ahaa oo codad lagu doonayay bal se aan dhab ka ahayn, waxaanay qoreen:

“Xisbiga Kulmiye wuxu gaadhsiinayaa Sool, Sanaag-bari iyo Buuhoodle, maamulka dawliga ah, kaas oo aan ku iman cunfi iyo xoog ee ku yimid wada-tashi iyo talo-wadaag, haddaba si ay arrintaasi u hirgasho,”

Waa halkii Deelleeyda ee hakad geli. Bal waxay inaga dhaadhicinayaan eega. La-ye maamulka dawliga ah ayaan si nabad ah ku gaadhsiinaynaa saddexda deegaan ee ay kor ku sheegeen ee: Sool, Sanaag-bari iyo Buuhoodle. Hadda intii ay xilka hayeen Deegaammadaasi in ay sii durkaan mooyaan e’, marna soo ma ay dhawaan. Oo dagaalladii Kalshalaale iyo Meygaagle ma xilligii Daahir Ra’yaale ayay dhaceen sow tii colaadahaas ay Xukuumaddan Isku-hilan ee Siilaanyo hurisay si ay u demisana garan weyday. Sow tii Hadraawi lahaa:

“Dab waxaa ku guban kara,

In uu daaro mooyee,

Nimaan xeel ku damin karin,”

 

Aynu ku sii soconno ballaan-qaadyadii afka ahaa ee Xisbiga Kulmiye ee aan dal iyo dadba la mahadin, waxaanay intaa hore ku kabeen:

“Xisbiga Kulmiye isagoo ka duulaya siyaasadda faashilka ah ee Xukuumadda jirta u wajahday ku-lana dhaqantay Beelaha Bariga Sanaag iyo Sool, waxa Xisbiga Kulmiye ballan-qaadayaa in uu wada-hadal kala yeesho Garaaddada iyo Salaadiinta iyo wax-garadka beelahaas waxyaalaha ay tabanayaan, maa daama Xisbigu u arko arrintan iyo kuwo kaleba in la siiyo mudnaanta koowaad.”

Weli ummad inaga ayaan-daran ma arag. Wax walba waa la inagula soo dhacayaa oo la inoo quudhayaa. Kuwan inoo badheedhay iska daaye, innagu miyaynaan indhaheenna iyo dhegeheenna u tudhayn, wax walba miyaa la inoola soo badheedhayaa. Waxay ina leeyihiin: “Xisbiga Kulmiye isagoo ka duulaya siyaasadda faashilka ah ee Xukuumadda jirta…” Hadda waxay ka hadlayaan ee faashilka ku sheegayaan waa Xukuumaddii Daahir Ra’ayaale Kaahin. Ma iyagaa gaadhi kara. Sow tii Daahir maalintii xil-wareejinta mahadhada lahaa ereyadii uu ka tegay ay rumoobeen. Sow kii Siilaanyo ku yidhi hadal u ekaa dal mid ah ayaan kaaga tegay ee ha laguugu yimaaddo. Waa maamulkii dardaarankaa ka tegay ka ay faashilka ku sheegayaan. In cid la caayaa se, waa ay iska fududdahay.

Aynu hore ugu sii soconno Barnaamajkii Kulmiye ee aynu Gorfaynta mowduuciga ah ku haynay, innaga oo aan cidna caayayn. Intaa aynu hore u dhignay waxay ku sii kabeen:

“Xisbiga Kulmiye wuxu si buuxda ugu hawl-gelayaa in Beelaha Sool iyo Sanaag-bari doorkii iyo qaybtii ay ku lahaayeen Golaha Wakiillada Somaliland ay buuxiyaan taas oo loo marayo sifo sharci ah, maa-daama aanay doorashadii u dambeysay ee Golahaasi aanay taasi dhicin.”

Waxay ina leeyihiin Xisbiga Kulmiye wuxu u hawl-gelayaa in Sool iyo Sanaag-bari ay helaan qaybtii ay ku lahaayeen Golaha Wakiillada. Miyaad yaabteen? Dee ha yaabina waxa walba waa aynu maqlaynaa intan Xukuumadda Siilaanyo dalka ka talinayso e’. Innagii oo marag ka ah Gobolladii Awdal iyo Selel oo tabashooyin qoraal ah la yimid ayaan Xukuumaddu dhegba jalaq u siin oo laga cabsi qabaa in wax intaa ka weyni dhacaan. Xukuumaddan oo talada haysa ayaa maamulka Khaatumo samaysmay, ilaa maantadaa aynu joognana wax maareyn ah oo ay u hayaan ma jiro oo aan ahayn:”Cali Khaliif Galaydh la hadli meyno.”

Aynu ku sii soconno Barnaamajkii Kulmiye ee ballan-qaadka afka ah ahaa, waxaanay intaa hore ku sii kabayaan: “Xisbiga Kulmiye, wuxu ballan-qaadayaa in uu dheelli-tiro hantida iyo maaliyadda dawladdu u qoondayso gobollada iyo degmooyinka dalka iyo mashaariicda ay bixiyaan Hay’adaha Sama-fallku, lana gaadhsiiyo meelaha mudnaantooda leh.”

Ta ay inoo sheegaanba tii kale ka daran. Waxan ay sheegayaan wax u eg miyaad maqasheen? Wax waxaa la mid ah oo la qabtay se ma haysaan?

Intaa horeba, waxa soo socdaa ka daran. Ma maqasheen: “Waxa soo socdaa yaab leh, wershed suufiyaa daaran.” Illeyn niman nasanaya ma aha oo kursigii ayaa u muuqda e’, waxay ballan-qaadyada aan fulin ku sii dareen:

“Waxa Xisbiga ka go’an in aan cidina lunsan hanti mashruuc meel loo qoondeeyay, sida hantida badan ee Xukuumadda jirtaa u qoondaysay: Sool, Sanaag-bari iyo Buuhoodle ee aanay waxba ka gaadhin meelahaas,”

In aynu gaaggaabsanno ayaa fiican, haddii kale waa aynu ku hafanaynaa. Waxay ina barayaan oo ay weliba doonayaan in aynu ka rumaysanno: “…..In aan cidina lunsan hanti mashruuc meel loo qoondeeyay….” Oo miyaynu ka rumaysannaa? Bal madaarrada Hargeysa iyo Berbera u fiirsada oo la ina barayo in la geliyay lacag dhammayd 10 milyan oo doollar oo ay dawladda Kuweyt ku deeqday. Dhal-dhalaal been ah iyo dhismayaal qosol-ku-jab ah ayay wax-qabad inooga dhigeen. Bal madaarradeenna ag dhiga kuwa ku yaal Jigjiga iyo Boosaaso. Subxaan! Tolow xaggee tan lagu kala xisaabayaa? Bal adba!

(La soco berri, haddii Eebbe idmo)