Xukuumadda oo midaysay lacagaha dalku galka iyo ka bixida ee madaaradda

0
107

 

Hargeysa(Waaheen) Wasiirka wasaaradda Maaliyadda Somaliland C/casiis Maxamed Samaale oo tixraacaya siyaasadda Miisaaniyadda qaranka 2015-ka ee Madaxweyne Siilaanyo dhaqan galiyey ayaa soo saaray digreeto uu ku midaynayo cashuuraha laga qaado dadka dhoofaya iyo kuwa soo degaya.

Digreetada wasiir Samaale ku dhaqan galiyey Midayntan oo dhaqan gal noqonaysa kowda bisha Janaury waxay u dhignayd sidan:-

 

Ujeedo: Nidaamka Cashuurta Dal ku galka/Bixista iyo Embarkation 2015 :-

 

Anigoo tixraacaya Wareegtada Madaxweynaha ee tirsigoodu yahay JSL/M/WM/222-249-2691/092014 ee 11-09-2014, u jeedadeeduna tahay Siyaasadda Miisaaniyadda 2015. Iyo gogaanka Golaha Wakiiladu ku ansixiyeen Siyaasadda Miisaaniyadda 2015 ee tirsigiisu yahay Lr. GW/G/KF-26/643/2014 ee 20-12-2014.

Sidaas awgeed, anigoo fulinaya Siyaasadda Xarafkeeda A Qodobkiisa 15aad oo sheegaya in la mideeyo Cashuurta Bixista iyo gelista ee Madaarada. waxa Masuuliyiinta ay warqadani ku socoto lagu wargelinayaa in laga bilaabo 01-01-2015,Cashuurta Gelista/ bixista iyo embarkation  ee laga qaadijiray  markay dadku dalka soo gelayaaa iyo Markay baxayaan waxa laga qaadi doonaa mar keliya oo ah marka ay waddanka soo gelayaan. Iyadoo laysugeynayo Cashuuraha gelista/bixista iyo embarkation ka waxaana lagu jaridoonaa hal juwan lacag qabasho oo keliya islamarkaana waxa dadka sita basaaboorka ajnabigaa ah loogu dhejin doonaa  sticker hal bil joogis ah .

Wakhtiga kala guurka ,qofkii laga qaaday Cashuurta soo gelista oo keliya  ,marka uu baxayo waa laga qaadayaa Cashuurtii bixista iyo embarkation ka.