Xukuumadda iyo Mucaaradka Jabuuti oo Heshiis kala saxeexanaya maanta

0
59

Jabuuti(Waaheen) Xukuumadda Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa manta Heshiis la saxeexanaysa Axsaabta Mucaaradka, kadib markii ay soo af-jarmeen wadahadalo in muddo ah socday labada dhinac.

Sida wararka ka soo baxaya Dalka Jabuuti sheegayaan waxay labada dhinac manta kala saxeexan doonaan Heshiis fursad usiinaya labada dhinac inay ka wada shaqeeyaan waxyaabaha carqalada ku keeni kara qaranimada Dalkooda, maadaama xurgufo siyaasadeed oo gaadhay gacan ka hadal labada dhinac ku dhex mareen doorashooyinkii u danbeeyey ee dalkaasi ka dhaca.

Munaasibad balaadhan oo ay ka soo qayb galayaan madaxda Mucaaradka iyo Madaxda Xukuumadda ayaa lagu wargeliyey labada dhinac iyadoo ay ka soo qayb gali doonaan dadweyne lagu soo martiqaaday oo kala taageersan labada dhinac.

Illaa hada lama oga heshiiska ay Mucaaradku la galayaan Xukuumadda hase yeeshee waxa la filayaa in Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle u muujiyey dabacsanaan maadaama uu in badan u cel celiyey in uu diyaar u yahay wixii aan qaranimada wax u dhimayn in uu kala hadli doono Mucaaradka.

Heshiiskan ayaa lagu wadaa in uu noqon doono mid wax badan ka bedeli doonaan kala fogaanshihii siyaasadeed ee Mucaaradka iyo Xukuumadda Jabuuti, waxaanu horseedi doonaan fur furnaan ka badan qaabkii ay u macaamili jireen.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa horumar balaadhan gaadhsiiyey Dalka Jabuuti, waxaana ka socda mashaariic farabadan oo gayaysiin kara in dalkaasi ku kasbado maalgelin ka badan tau u imika hayo.