Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Madaxdhaqameedka Awdal kala Hadlay Xoojinta Nabbadgelyada.

0
102

Hargeysa(Waaheen) Waftigii  uu hogaaminayey Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Warancade ayaa Kulamo Kala Duwan la yeeshay Salaadiinta, Cuqaasha iyo Dhalinyarada gobolka Awdal, waxanay Ka Wadda Xaajoonayeen Adkaynta Nabbadgelayda Gobolka, kulankan ayaa ka dhacay Hotel Rays ee Magaalada Borama.

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha  Cali Maxamed Warancade oo la hadlay Madaxdhaqameedka Reer Awdal ayaa u soo jeediyey in ay Xukumada kala shaqeeyaan Nabbadgelyada oo ayna  Ilaashadan, isla markaana Wixii Dalka Aamaankiisa wax yeelaya  dhinaca looga soo wadda Jeedsado.

 

Wararka Naga soo gadhay Borama waxa kale oo ay intaasi ku daryaan in Wasiirka Madaxdhameedkaasi kala hadlay Arrinta Suldaan Wabar isaga oo u soo jeediyey in Ficilada uu suldaankasi ku kacay ay noqdaan Mid isaga ku kooban, waxanu Wasiirku ka hadlay Muhiimad ay leedahay Nabbadu.

Madaxdhaqameedka oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa ku dheeray isla markaana ballan qaaday in ay Xoojinayaan Nabbada oo aanay marna aanay ogolaanayn wax Nabbadgelayda ay ku caano maaleen Dhibaato u keenay.