Aakah Sugge waa Baqqti Sugge

0
37

Salaan Sharaf badan, kadib, waxaan halkaan doonayaa inaan kaga hadalo dacayadaha raqaiiska ah ee waydaan dad waxa ma garatada ah iyo damiirlawayaasha ee doonayaan in ay isku dufutaan Bahawaynta Xisbiga UCID,  gaar ahaan Musharaxa Da’ada yare ay u baahantahay Somaliland iyo  Gudoomiyaha sharafta Mudan ee gartay in uu ummada u keeno aqoon iyo jiil cusub ,

Waxaa ka mid ahaa  nin la yidhi  Sharmarke oo aan is lahayn magaciisa iyo fitnada uu kula dhex jiro ummada Somaliland gaar ahaan xisbiga Ucid, horaa loo yidhi hadalkan saxanayn wuxuu  faraa, sun iyo waabeeye ee  warbaahinta qoraysa wax aan sal iyo raad toona lahayn islamarkana ka shaqa dhigtay in ay magaca iyo sharafata Gudoomiyaha qaaliga ah ay ku burburiyaan waa mid ay shacabiga Somaliland ay wada ogsoon yihiin.

Aakah sugge waa baqati sugge, ee haddad ficil hinaastay aadse hiilin kari wayday ma afkaad iyo isku dir baad ku ciil bixi cidlaad ka muusonabayasaa,  Jamaal waa nin damaciisu ayasan gaadhayn Samale iyo mid u dhow toona, waa nin yidhi aniga ayaa u qalma Madaxawayne  islamarkana ka dhabeeyay  damaciisa, waxaa uu dhamaa  aqoonyahan badan oo ka dhabayn waayay damacoodii.

waxaa cada inaysan kaa daacad ahayn in aad Samaale iyo khayrkii aad wax la ogshahay haseyeeshee waxaa ku shidayaa waa siilaanyo oo itaal daradiisa maamuli kari la waxii ummada u doortay. Samale damaciisu waa baqti suge ee Naftu inay maqnaatiyo inay, mahad ku noolaato, Maaweelis  weeyaan haddii, mid u dhexeeyaaye.

Faan iyo bilaash kuma lug go’o, fulayna yeelkiiye, Jamaal waa nin musharaxanimadisu ay caddahy ee sxb  ka naxow nafta waa , isshii buktaa ku bikowsow, Gudoomiye Faysalna waa halyeey qudha ay taarikhada ayaa xusi doonta.

Samale iyo Jamal waa ninman oodwadag ah, iyagaa ayaa iskaag dhow ee Jamaal ma aha Aakah suge, 6 sanno dabadeed, waxaa uu la tartamayaa waa Siilaanyo ee  numberkaaga xijiso iskaa daa jiileeca,  iyo dabka aad u hurinayso oo yeelo awoodii aad siilanayo kursiga ugu hayn lahayd.

Samale waxaan leeyhay, Baqti sugge ha noqon ee imika ama bedka iskeen ama in adeer soo raac cidda joogta frontlinka illayn cidi wax kuuma ogalee, Rag kaa faqay rafiiq nimaad tihiin, talo lagaa reebay, Meel aan lagaa rabin indhaha, lalama sii raaco Layskuma ridaan rido haddaan, ruuxu ku arkaynin (Ragga ugaas).

Mahada Allah iska leh

Hassan Ahmed

Somaliland  Community Organizer

London  UK

Qodaale@gmail.com