Diyaarad ka duushay Indonesia oo la waayey

0
43

eerDiyaarad ay leedahay shirkada Air Asia oo ka duushay magaalada Surabaya ee dalka Indonesia kuna siijeeday wadanka Singapore ayaa la waayey.

Duulimaadka QZ8501 ayaa Axadii la waayey kadib markii 42 daqiiqo hawada ku jirtay, dayuuradan ayey saarnaayeen 162 rakaab ah, kuwaas oo 149 ka mid ah ay u dhasheen dalka Indonesia.

Waxaana markii u danbeysey warkeeda la maqlwo ay ku duuleysey Magaalada dekadda ah ee Tanjung Pandan iyo magaalada Pontianak.

Duuliyaha diyaarada ayaa daqiiqado ka hor markii diyaaradaasi la waayey khadka isgaarsiinta kula hadlay xafiiska hagida duulimaadka isagoo codsaday inuu bedalo khadkii uu marayey kadib markii uu sheegay in hawada xuntahay.

Dowlada Indonesia ayaa sheegtay inay bilowday baadigoobka diyaaradan la la’a yahay.

Bishii Maarso 2014 waxaa meel aan ka fogeyn halka hadda diyaaraddan lagu waayey war ugu danbeysey diyaaraddii Malaysia Airlines taas oo sidey 230 qof Kuala Lumpur Bakiin, waxay ka mid noqotey Mucjisooyinka adduunka in aan xitaa wax raad ah laga hayn, raq iyo ruuxba.