Caaqil Cusub Oo Kasoo Jeeda Dagmada Gabiilay Ayaa Lagu Caleemo Saaray Dagmada Kala-Baydh.

0
51

 

3 1 2Hargaysa(WAAHEEN Degmada kala Baydh Siiba Tuulada (ilmo Dado) Ayaa Shalay  Lagu qabtay munaasibad Balaadhan oo lagu Caleemo Saarayo Caaqil Cusub Oo Bulshada Deegaankaasi Ay dooratay.

Munaasibad Aad u balaadhan oo loo sameeyey Caleemo Saarkiisa ayaa waxa ay dhamaan Caaqiladii kasoo qayb galay Ku Booriyeen inaanu Galin Siyaasada Kana Shaqeeyo Danta Umada Dooratay.

Sidoo kale Caaqil Saleebaan Jaamac Rooble,Caaqil Cabdi Jaamac Shire iyo Caaqil ismaaciil Dhinbiil waxaana ay dhamaantood waanooyin usoo jeediyeen in Caaqilka Cusub ee la doortay waxaana ay yidhaheen.

“Waa Hagihii Qaranka,waxaanu u dooranay In uu ka shaqeeyo Beesha danteeda ayaanu u caleemo saarnay,Waxa siyaasad Ahna Aan sabab ku lahayn,waxaanu u dooranay waxa laga maarmi waayay odaygii Dhaqanka ee Geedka Joogay ee reeraha U talin Jiray,Kaas ayaa Looga Maarmi waayay inuu Noqdo”.

waxaana ay intaas Raaciyeen iyaga oo hadalkooda siiwata.“waxaanu Rajaynaynaa in dadka iyo diinta,dalkaba inuu Hogaamiyo Noqdo,Waana mustaqbalka Reerka Odaygana anag ayaa iska soo dhex xulnay,waxaana uu hogaamin Doonaa Beesha Siyaasada Faro Galin Kuma Lahaan Doono Waxaana uu adeegi doonaa Bulshada iyo dadka soo doorta.

Caaqilka Cusub ee loo doortay inuu Hogaamiyo Beeshiisa Dagta Galbeedka Magaalada hargaysa Siiba Deegaanka Kala-baydh Caaqil Cabdi Jaamac Shire waxaana uu sheegay inuu Cadaalada ugu shaqayn oono Bulshada soo Dooratay,Kana shaqayn Doono Horumarinta iyo Nabad Galiyada Waxaana uu yidhi.

“waxaana halkan ugu Hambalyaynayaa Umada ii garata ee xilkaas cusub ii dooratay,waana Xil Adag,waxa uu yidhi nin jiray Odaynimo Maan Jeclayne Wakhtiga ayaa I baday,waxaanan ilaahayna ka baryayaa inuu Xilkaas igu Asturo,Aniguna waxaan ugu adeegi doonaa Bulshada Cadaalada sinaan iyo Walaal-nimo.

Caaqilka Cusub ee la doortay ayaa Lagu dhiiri Galiyay inuu Siyaasada ka madh-naado,Kana shaqeeyo danta reerkooda iyo shacabka Doortay.