Wasiirka Maaliyadda oo dhaqan galiyey Miisaaniyadda Hay’addaha Madax banaan

0
83

Hargeysa(Waaheen) wasiirka wasaarada maaliyadu mudane Cabdicasiis Maxamed Sammaale Waxa uu taariikhdu markay ahayd 24/12/2014 qalinka kun duugay dhaqan gelinta miisaaniyada hay’adaha madaxa baanaan sida Dekeda Bera,Baanka dhexe,Wakaaladaha Biyaha,laydhka,Madbacada qaranka,Haamaha shidaalka Berbera iyo kharashka madaarada taas oo madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo kusoo saaray xeer lagu dhaqan gelinayo Go,aankii Golaha Wakiiladu Ku ansixiyeen miisaaniyada Qaranka jSL Waxaanay miisaniyadaasi dhaqangelaysaa 01/01/2015 waxa kale oo uu wasiirka maaliyadu Qalinka ku duugay Waxkabedelka tacriifada sanadka 2015 iyo cashuuraha Latirtiray kuwaas oo halkan ku lifaaqan waxaana dhamaantood ansixiyey golaha wakiilada Jsl waxaanay dhamaantood dhaqangeleyaan 01/01/2015