Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland oo safar ku tagay Dubai

0
134

Dubai(Waaheen) wasiirka wasaaradda Arrimaha Dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa safar ku tagay magaaladda Dubai ee Imaaraadka Carabta.

Lama oga ujeedada safarka Wasiir Maxamed Biixi hase yeeshee waxa magaaladda Dubai ku soo dhaweeyey jaaliyadda Somaliland ee ku nool Dalkaasi, sida uu sheegay mid ka mid ah ganacsatada reer Somaliland ee degan dalkaasi.

Wasiir Maxamed Biixi Yoonis ayaa doraad u kicitimay Dalka Itoobiya, halkaas oo uu degan yahay, hase yeeshee waxa uu markiiba u dhaafay Dubai, halkaas oo uu ku sugnaan doono dhawr maalmood.