NINKII CAYDA QABIILADA IYO SHAQSIYAADKA SIDA XUN UGU AFLAGAADAYN JIREY WEBSITE-KIISA EE XUUTO MIYAA GUDOOMIYE URURKA SOLJA LOOGA DHIGEY?‏

0
134

Ugu  horeyn  waxaan  salaamayaa  bahda  saxaafada. Waxaan  ku  salaamayaa,salaamta Islaamka ee ah ”ascww”

Ka  dib  shaley  waan  la  yaabey  markii  aan  maqley  waxaa  ururka  saxaafada  Somaliland loo dooret, gudoomiye  xubno  wasiiro  ah  ooy  uGu  horeeyo  wasiirka  maaliyada , lacag  ku  bixyeen  in  gudoomiye  ku  sheeg  aan  xilkaasi  u  qalmin la  yidhaahdo  waa  gudoomiye  ururka  saxaafada  ee  Somaliland,  ninkan  waxaa  la  yidhaadaa ‘mr  xuuto”  magciisa  ayaad  ka  garaneysaa  in  uu  ahaa  ciyaalkii  ku  korey  dhaqan  xumada  iyo   asluub  darda, waxaanu  ahaa  awal  ciyaalkii  sidan jirey  ,quraaradah  iyo  budadka  ee  dadka  dariiqyada  isu  taagi  jirey, aqoon  iyo  waayo  aragnimo, aan  hargeysa  aheyna  malahan , xitaa  dhulka  Somaliland  ma  kala  yaqaano.
Waana  ninkii   lagu sheegi  jirey  in  uu  tafatire  ka  yahey  mareegta  waaheen,  ee  sida  foosha  xun  dadka  loogu  aflagaadeeyo  iyo  waliba  wararka  beenta  iyo  cuqdada  qabiilnimada  lagu  qoro.
Hadaba  waxaa  la  sheegey  in  wasiirka  maaliyada  oo  ogaa  kaalinta  ay  mareegtaasi  iyo  cida  maamushaa  ka  qaataan  ama  ka  qaateen, aflagaadada  ,ceebeynta  ,been  abuurka  ,naceybka, gudoomiyaha  xisbiga  kulmiye muuse  biixi, si  cad oon  gabasho  iyo  xeeladtoona  laheyn  u  garab  istaageen wasiirka  xaaraan  ku  naax  ee samaale, uu  laaluush  , ah  xatooyo  xoole  dadweyne, si  sharci  daro  ah  qasnada  dowlada  uga  saarey, uu  ku  laaluushey,  si  ninkan  jaahilka  ah  gudoomiye looga  dhigo, si  uu u  sii  wado  ceyda  iyo  aflagaadad  dadka  masuulyiinta  ah  lagu hayo  iyo  isku  dirka  dadka.
Waana  waxa  laga  naxaa  in  xuutu  lagu  sheego  gudoomiye  ururu, waayo  qof  aqoon  leh  maahan,  waayo  arag  maahan,  shaley  ayaa  webste  loo  furey, afsomaligana  la  yidhi ku  mal maluuq oo  hebel  waa  reer  hebel  oo  reerkeena  ayuu  bari  sidaasi  yeeley  ee  ku  cey, waana  jaahilka  ay  aqoontiisu  siisey  in  uu  been  iyo   hadalo  cuqdadi  ka  buuxdo  oo  dhan  ka  raran  marwalba  soo  galiya  mareegta  waaheen,  ama  mareegta   wah.
Waxaan  shacabka  iyo  suxufiyiintaba  kula  talinayaa  in  qofkaasi  aanu  xilkaasi  gudan  Karin  ee  qof  aqli  leh  lagu  badalo  oo  caalamka  iyo  dadka,  iyo  saxaafadaba  wax  ka  yaqaana  ,  ahna  qof  aqoontiisu  dhaafsiisantey  xaafadaha  hargeysa  qaarkood.
Madaxweyne  siilaanyana  waxaan  leeyahey  hadad  sii  wado  taageerida  iyo  garabsiinta  wasiirka  maaliyada  ee  xoolaha  ummada  xalaaleystey, wax  kasta  oo  uu sameeyaa  waa  dushaada  iyo  inta  adiga  kuu  dhow  ee  la  so, oo  jaahilkan  xaaraan  ku  naaxa  ah  ummada  dhaafi, intay  goori  goortahay.
Waad  mahadsantahiin.
Qore: Tahir Hussein/ London/uk