Itoobiya oo ku eedeysay Ururo caalami ah Carqaladeynta Doorashada Dhacaysa 2015.

0
84

Adiss Ababa (Waaheen) Ra’isulwasraaha Itoobiya Hailemaraim Desalegn, ayaa shegay in ay dalka Itoobiya ay ka dhici doonto doorasho xor ahi inkastoo ururo caalami ahi ku andacoodeen in xaalada xuquuqda aadamah dalku khatar ku tahay doorashada.

Hailemaraim ayaa sheegay in ururka u dooda xuquuqda aadanaha ee HRW iyo Ururka CPJ  oo u taagan ilaalinta suxufiyiinta ay dawlada ku eedeeyaan ku tumashada xuquuqda aadamiga.

Ra’isulwasaaraha oo qabtay shir jaraa’id ayaa sheegay in ururadani bilaabeen dacaayad ka dhan ah dalkiisa 15 ka hor iyaga oo wali sii wada. Waxa uu intaa ku daray in ururadu leeyihiin ujeedo gaar ah.

Hogaamiyaha Itoobiya ayaa ku eedeyey ururada HRW iyo CPJ in ay wadaan ololle lagu carqaladeyanayo doorasahada May ee sanadka soo socda. Waxa uu intaa raaciyey in labadan urur isku dayeen in ay kacaan midab “colour revolution: ka ridaan Itoobiya 2005-tii balse ay ku guuldareysteen.

 

Waxyaabaha ay ururadani ku eedeeyeen Itoobiya waxaa kamid ah in dad dan yar ah dhulkoodi laga barakiciyey, hasayeeshe ra’isulwasaaraha ayaa sheegay in danjirayaal ka mid ah beesha caalamku arrintaa beeneyeen.Waxa uu sheegay in ururadani wali ay eedeymaha sii wadaan markii la beeneeye ka bacadi.

Ra’isulwasaaraha Itoobiya ayaa diiday in la xidh-xidho  hogaamiyaasha mucaaradka. Waxa uu sheegay in aan waligeed la xidhan hogaamiyaasha ururada sharciga ah, laakiin waxa uu qiray in la qaqabtay madax uu ku sheegay in ay kamid yihiin ururo xidhiidh la leh argagixisada sida ONLF, Ginbot 7 iyo Alshabaab kuwaas oo uu sheegay in ay dawaldu u aqoonstay argagixiso.

Hailemaraim ayaa shirka jaraa’id ku soo qaaday xaalada dhaqaalaha wadanka, gaar ahaan qorshaha wadanka lagu warshadaynayo.

Ururada HRW iyo CPJ ayaan wali ka jawaabin eedeymaha xooga leh ee xukuumada Itoobiya dusha ka saartay.