Isku Soo Bax Weyn oo lagu Taagerayey Wasiir Maxamed Biixi iyo Cabdicasiis Samaale oo lagu qabtay Hargeysa.

0
151

IsbtooreHargeysa(Waaheen) isku soo bax Weyn oo lagu taageerayey Wasiira Arrimaha Dibada Maxamed Biixi Yoonis iyo Wasiirka Maaliyada Cabdicasiis Samaale Musharaxnimada Madaxtinimo ee Xisbiga kulmiye Madaxweyne Siilaanyo Dabadii ayaa Maanta lagu qabtay Hotel Maansoor waxana xafladaasi ka soo qaybgalay in ka baddan Toban kun oo Qof (10,000 Qof)  Kuwaasi oo si weyn u taagerysaan Musharaxiinta beesha Sacad muuse.

Munasibadan oo si qurux baddan loo soo agaasimay ayaa waxa hadalo ka jeediyey Salaadiin, Aqoonyahano, Siyaasiyiin, madaxdhaqameed, iyo Dhammaan Haldoorka Beesha Sacad Muuse.

Suldaanka Beesha Adaraxmaan Sacad Suldaan Jaamac oo halkaasi ka hadlay “Shirkan waxaan ILAAHAY ka baryayayaa inuu noqdo kii guul lagu gaadho oo reerka mideeya khilaafkana ka saara, Sacad Muuse  ILAAHAY faro ayuu siiyay dhulna wuu leeyahay, haddana meel bay wax si ka yihiin, tawfiiq la’aan ayaa jirta. Waxaan leeyahay kala qeybsanaanta midnimadda ayaa ka wanaagsan waa inaynu ku dedaalaa in la isa saamaxo oo  laga shaqeeyo midnimada reerka. Inamadan siyaasiyiinta ah ee reerku runtii waa inamo wanaagsan waana iskugu keen mid. Waxaan leeyahay horumar iyo midnimo haddii la doonayo waa inay iyagu siyaasiyiintani kulmaan oo heshiiyaan. Dawladu wax bay qabatay oo cid lagu doorsanayaa ma jirto.

Waanu ognahay halkii ay dawladnimada ka qaaday iyo halka ay gaadhsiisay, guusha u weyn ee ay gaadhay waa lacagtii oo ay dalka wada gaadhsiisay oo ay ka bedashay lacagtii giimbaarta ahayd. Cidii indho fayow ku eegtaaba way arkaysaa wax-qabadka dawladda. Waxaanu leenahay dawladda wax ka qabta khilaafka beesha Sacad Muuse haddii kale xisbiga KULMIYE wuu ku baabayaa.”

“Madaxweynahana waanu ugu celinaynaa oo waanu dooranaynaa cid aanu ku doorsanaynaana ma jiro,”ayuu yidhi

 

Abshir  Maxamed Xoodiye oo ka mid ahaa gudigii shirkii agabar oo halkaasi ka hadlay wuxuu yidhi “Khilaafkaasi waxa uu sabab  u ahaa qeyb ka mid ah Guddidayadii oo dhabarka laga soo taabtay ayaa waxay nagu soo dhex tureen buuq ay kala yimaadeen shir gaar ah oo lagu qabtay gurri ku yaalla Hargeysa oo tijaarteennu leedahay, sideed xubnood ayay ahaayeen meel baa lagu casuumay, maalintaasi ayuu khilaafkii guddigii agabar bilaabmay. Waxaanse anigu aaminsan nahay inay bilaabantay dhawr bilood ka hor oo muddo dheerba waa nalagu dhex jiray oo xubnaha Guddigayaga midba af baa wax loogu sheegayay.

Annagu Guddi ahaan waxaanu ahayn Guddi  Horumarineed ee ma nihin guddi siyaasadeed, shirkii Hoodaalle waxa nalagala dardaarmay inaanaan haba yaraatee wax siyaasad ah gelin, waxa nalagu yidhi haddii aad siyaasad gashaan waad burburi doontaan, nasiib darrose arrinkaasi annaga nagamuu dhalan guddigayaga dhexdiisa wax ka yimid muu ahayn waxay ahayd arrin dibada nalagaga keenay oo nagaga yimid siyaasiyiinta iyo tijaarta.”

 

“Waxaanu isku daynay markii aanu buuqaas ka bixi waynay inaanu dhegaysanno cidan is haysa waanan u yeedhnay sadex nin oo siyaasiyiin ah oo beesha u dhashay oo sharaf naga mudan oo noo siman, waanu waraysanay waraysigayagu waxa uu ka duulayay  oo aanu lahayn gartiina ma noo dhiibateen sidii dhaqanka iyo islaaminimaduba ahayd, waxay ahayd haddii ay gartaas noo dhiibtaan inaanu dhex galo, haddii ay noo dhiiban waayaanna inaanu ka joogsano. Guddigayaga qeyb ka mid ahi waxay noo sheegeen in gartaas naloo dhiibtay, Haddii aan soo xigto hadalkii Cabdicasiis Samaalle oo kale waanu u yeedhnay waliba waanu jujuubnay wuu na soo karaameeyay hadaladiisii waxa ka mid ahaa “Walaaleyaal siyaasad la idiinma diran, annagana arrintayadu meel ayay leedahay lagu kala baxo ee faraha ka qaada,” Markii aanu ku nidhi gartaas ma gallaa oo ma noo dhiibatay wuxuu yidhi “idiinma dhiiban, idiinmana dhiibanayo, anigoo og in dhabarka la idinka soo taabtay oo la idin soo mustafeeyay oo ujeedo gaar ah leh waxba idiinma dhiibanayo,”shakhsiyaga sidaas u hadlaya ee leh waxba idiin dhiiban maayo, inaanu  nidhaahdo gartiisa waanu galaynaa waa gef.”

 

Suldaan Ibraahim Sulub Nuur oo ka hadlay shirkaasi waxa uu yidhi “Salaadiinta taageertay hadalkii nimankii Guddidii Agabar ka mid ahaa gaadheen  ee khilaafka abuurtay salaadiinta taageertay waxaan leeyahay waxba ma tihidin. Suldaanka guudna haddii aanay  shan  jiif caaqil  ugu yaraan aanay kalsooni siinin, miyuu kalsooni cid siin karaa, isagiiba kalsooni ma haystee.”

 

“Salaadiinta kale ee reer Hargeysa ee iyaguna wax baanu taageernay yidhi waxaan leeyahay waxaad tihiin dhidar onkod kiciyay, waxa wanaagsan inaad hubsataan, wixii la isku raacsan yahay ayaa la taageeraa, haddii aanad ka mid ahayn kuwa khilaafkan abuuray ee dadka iska hor keenaya,haddii kale adigaa wax isu dhimaya oo suldaan-na ma tihid waxaad taageertayna wax jira ma aha,”ayuu yidhi Suldaan Ibraahim Sulub Nuur.

 

Caaqil Cabdilaahi Qalinle Fariid,  ayaa sheegay in loo baahan yahay in cidii murashax madaxweyne noqonaysa looga baahan yahay inay ka soo dhex baxaan Golaha dhexe ee xisbigooda, waxaanu yidhi “Inammada siyaasiyiinta ah ee beesha Sacad Muuse waxaan leeyahay madaxtinimada dalka madaxweyne ayaa fadhiya, shanta sannadood ee soo socotana isagaa ku fadhiyaya haddii ALLE yidhaahdo, wixii intaas ka dambeeya markay gaadho waxa idin soo kala saaraya Golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, Ninkii halkaas ka soo baxa markaas ka dib ayaa talladiisa la geli doonaa. Waxaan leeyahay waxba imika idiinma dhowee xisbigiina ku soo kala baxa, midkiina ma necbin dhammaantiin waanu idin jecel nahay siyaasiyiinta intaas ayaan leeyahay.”

“Guddigii ka soo baxday shirkii HOODAALE waxa Sacad Muuse u doortay inaanay siyaasad gelin ee ay horumarinta deegaamadda beesha ka shaqeeyaan. Shirkaas waxa lagu gaadhay in guddiga ay siyaasadda dibada ka tahay. Guddiga intii shaqadii loo doortay ku taagan waanu u ducaynaynaa, qolada ka baydhay wadadii loo doortay waxaan leeyahay horta wadadii waad ka baydheen, waanad dunteen, Sacad Muusena intaa soo hadhay wixii uu ku kordhinayo ha ku kordhiyo, cid aad wax u haysaan oo jeebka idiinku jirtaa ma jirto, inamadana ha wareerinana, ”ayuu yidhi Caaqil Cabdilaahi Qalinle Fariid.

 

 

Waxa kale oo iyaguna halkaasi hadlay cuqaal iyo waxgarad kale oo dhammaantoodba naqdiyay wax ay ku sifeeyeen go’aan cadaalada ka fog oo beesha lagu kala qeybinayay, waxaanay sheegeen in guddigii shirkii Agabar ay ka leexdeen hadafkii horumarinta ee loo doortay.

Xildhibaan Maxamed Xaaji Maxamuud Cumar Xaashi oo tisan Golaha Wakiiladda Somaliland ka hadlay shirkaasi ayaa waxa uu yidhi “Somaliland dadkeedu nin waliba shaqo aanu lahayn ayuu qaataa, Guddidanna hawl ayaynu u diranay oo ahayd horumarin, wixii intaas dhaafsiisan iyo siyaasad baanu ka talinaynaa, beesha Sacad Muuse waxaan leeyahay waxaynu nahay beel weyn ee aynu ummadda reer Somaliland ka xishoonno , dadku kaligeen ma aha, dalka waa la inala leeyahay marka aynu wax ka hadlayno aynu dibada isula baxno oo aynu joojino warbaahintan aynu ka hadlayno iyo lacagtan la isku iibsanayo.Shirkii Agabar tawfiiq ayaynu kaga nimid, kuwa muwaafaqada iyo isku duubnideenna burburinayana ILAAHAY ha innaga qabto.”

Xildhibaanku waxa uu naqdiyay  suldaanka guud ee Subeer Awal, waxaanu yidhi “Salaadiintu waa kuwa dhaqanka inoo haya, marka ugu dambaysana iyagaa la iskula yimaadaa haddii wax la garan waayo, Suldaanka guud ee Sacad Muuse   ee leh siyaasad baan ka hadlayaa iyo hebel baan taageeray wali maynaan maqal aakhirul sabanka ayay ka mid tahay.Suldaanka guud anigu halkan ceeb uga soo jeedin maayo, laakiin toosin ayaan u soo jeedinayaa, waxaan leeyahay waxaad tahay suldaanka guud ee Habarawal, ma tihid kii Sacad Muuse, mana tihin mid Cabdalla Siciid ah, mana tihid kii Ismaaciil Jibriil.

Suldaanka Subeer awal ayaad tahay lagaagama fadhiyin inaad adigu tidhaahdid waxaan kala saaray Sacad Muuse miyaanu Jamaal Cali Xuseen Habarawal ahayn suldaanka Habarawal ayaad ahayde miyaanu Jamaal Cali Xuseen Habarawal ahayn oo aanu xisbiga UCID Murrashax ka ahayn xageed kaga tagtay miyaanay ahayn beel dhan oo aad daadifaysay.”

“Waar balankii iyo cahdigii xagee ayuu ka dhacay, wixii la isku ogaa haddii ay afar nin bedasho ka warama? Shirkii HOODAALE Ragii tagay ayaan ka mid ahaa waxa la yidhi waxaynu dooranaynaa Guddi aan siyaasad shaqo ku lahayn oo horumarinta ka shaqaysa. Shirkaasi markii hore siyaasiyiinta ayaa faraha kula jiray oo uu u qabsoomi waayay markii la yidhi siyaasadii ayaa laga saaray ayuu qabsoomay,”ayuu yidhi Ismaaciil Yare.

Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Somaliland Ismaaciil  Aadan Cismaan (Ismaaciil Yare) ayaa ku dooday in aan loo baahnayn in salaadiintu ay taageero ka bixiyaan cidla, waxaanu yidhi “Hadii maalinba qolo siyaasiyiin ah oo murrashaxiin doonaysa uu midina weerar u noqdo midina difaac u noqdo, oo maalin walba warbaahinta la iskaga soo jawaabo oo salaadiin hibo iyo sharaf innaga mudan oo aan waxba hubsan ay taageero cidla ka bixiyaan reer ceeb ayay ku tahay. Ragga murrashixiinta ah waxaan ILAAHAY ka baryayaa ka ugu khayr badan ee dalkiisa ee cadaalad ku dhaqi doona shacbiga Somaliland ee idinkana beel ahaan magaciina wanaag u soo jiidaya ILAAHAY ha innooga dooro.”