Golaha Dhaqaalaha, Dhaqanka, Iyo Arrimaha Bulshada Ee Midawga Afrika Oo Shirkoodii Labaad Lagu Soo Gabagabeeyay Nairobi

0
104

 

Nairobi-(Waaheen)- Shirkii labaaad ee golaha Dhaqanka, Dhaqaalaha Iyo Arrimaha Bulshada ee Midowga Afrika ee magaciisa loo soo gaabiyo (ECOSOCC), oo dhawaan si rasmi ah uga furmay caasimada dalka Kenya, ee Nairobi, ayaa la soo gabagabeeyay.

Shirkan oo socday muddo afar caano-maal ah waxa ka soo qeyb galeen dhammaan dalalka Midawha Afrika ee xubnaha ka ah gollahan, oo ay ka mid ahaayeen wufuud ka kala socotay Jamhuuriyada Jibouti iyo Soomaaliya, ayaa waxa gabagabadii shirkan hadal dheer ka jeedisay Wasiiradda Khaarajiga ee dalka Kenya Amina Mahammed, waxaanay carabka k dhufatay in shirkanni uu fure u yahay is-barashada iyo is-dhexgalka guud ahaan qaarada Afrika, iyada oo xustay in muddadda halka sanno ah ee uu jiray uu ku

talaasaday horumar badan oo wax ku ool ah.

Shirkan ayaa waxa si rasmi ah loogu doortay hogaanka sare ee Guddiga majaraha u qaban doonta Guddiga Afarta sanno ee soo socda, waxaana Guddoomiyaha Guddiga loo doortay Joseph Chilengi oo u dhashay dalka Zambia, Sidoo akle waxa la doortay Afar ku-xigeen oo ka soo kala jeeda wadamada Kenya, Ghana, Algeria, iyo Democratic Republic of Congo, waxaanu Urrurku qorsheeyay in bisha Labaad ee sannadka 2015-ka, ay Guddigan cusub ee la doortay ay ku shiraan Dalaka Masar, iyo Ethiopia, midkood.