Dalka Itoobiya Oo ay Sonkor yaraani ka dhacday.

0
92

ItoobiyaDalka Itoobiya ayaa la tacaalaya sonkor yari wadanka oo idil aad looga dareemay. Sababta sonkor yaraanta ayaa loo aaneyey sonkor oo dalku dibada ka keensan lahaa oo soo raagtay.

Ra’isulwasaaraha Itoobiya, Hailemariam, ayaa shalay warbaahinta u sheegay in sokkor yaridu ka dhalatay dib u dhac ku yimid dhisidda warshado sonkorta sameeya oo dalku horey u qoondeeyey.

 

Waxaa jira warbixino tibaaxaya in warshadaha sonkorta ee wadanka sida Wonji, Fincha iyo Metehara ay yareeyeen ama joojiyeen wax soo saarkii sokkorta ee xilli roobeedka dalka.

 

Meelaha baahida weyni ka jirto waxaa ka mid ah caasimada dalka oo waayadan dambe aan helin sonkortii loo qoondeeyey bil kasta ama in ka yar.

 

Qorshaha xukuumada Itoobiya ayaa ahaa in dalku soo saaro sonkor dheeraad ah oo la dhoofiyo, balse qaar kamid ah warbaahinta gaarka ah ee dalka ayaa sheegay in uu dalku awoodi kari la’ayahay daboolida baahida sonkorta ee gudaha.