Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo Jabuuti ku qaabilay Madaxweyne Siilaanyo

0
200

Jabuuti(Waaheen) Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa saaka dalkiisa ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, kaasoo DSCF1229hogaaminayey wefti ka tirsan Golayaasha Qaranka Somaliland oo ka qayb qaadan doona wadahadal ay Dalka Jabuuti ku yeelanayaan Madaxweynaha Somaliland iyo Madaxweynaha Somaliya.

Weftiga Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo ay ka mid yihiin Labada Guddoomiye ku-xigeen ee Baarlamaanka Somaliland, Wasiiradda Beeraha, Xaanaanada Xoolaha, Arrimaha Dibada, Madaxtooyadda iyo Xildhibaano ka socda Golaha wakiiladda, ayaa waxa Madaarka Jabuuti ku soo dhweeyey Wasiirka Arrimaha Dibada Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf iyo raysal wasaaraha Dalkaasi C/qaadir Kaamil Maxamed oo ay wehelinayeen wasiiro kale oo Reer Jabuuti ah.

j19Weftiga Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayey Madaxda kaga hor timi madaarku u galbiyeen Hotelka weyn ee kambiski, halkaas oo uu Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ku qaabilay Madaxweyne Siilaanyo iyo weftigiisa iyagoo kulan kooban oo hordhac ah ku wada yeeshay Hotelka.

Weftiga Madaxweyne Siilaanyo ayaa saacadaha soo socda la kulmi doona Weftiga uu hogaaminayo Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaanay si toos ah isla maantaba u bilaabi doonaan wadahadalada uu Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ku dhex dhexaadinayo labada Dal.

j23Madaxweyne Siilaanyo ayaa Dalka Jabuuti loogu soo dhaweeyey meeqaam sare, illaa iyo intii la dajinayey Hotelka Kambiskina waxa laga dareemayey magaaladda jabuuti soo dhaweyntiisa, iyadoo jidadka uu weftigu marayey la kala xidhay.

Ciidanka Bam boyda Dalka Jabuuti ayaa Madaxweyne Axmed Siilaanyo ku soo dhaweeyey Madaarka Jabuuti, halkaas oo uu Madaxweyne Siilaanyo kaga qaatay Salaan sharafta Madaxweynanimo.

ka hor inta aanu Weftiga Madaxweyne Siilaanyo soo gaadhin Dalka Jabuuti waxa Madaarka Caalamiga ah ee Hargeysa hadal kooban oo ujeedada safarkaooda ah ka jeediyey, wasiirka j1wasaaradda Arrimaha Dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, waxaanu sheegay in ay Dalka Jabuuti kula kulmi doonaan wefti kale oo uu hogaaminayo Madaxweynaha Somaliya, isagoo sheegay in uu martiqaad u fidiyey Isaamciil Cumar Geelle.

Wasiir Maxamed Biixi Yoonis ayaa sheegay inay sii ambaqaadayaan wadahadaladii u dhaxeeyey labada Dal.

si kasta ha ahaatee kulanka Somaliland iyo Somaliya ayaa la filayaa in uu qaato muddo saddex cisho ah, sida ay sheegeen Madaxda Baratakoolka Weftiga Madaxweyne Axmed Siilaanyo.

j31