KALA GARO NAFTAADA IYO LAFTAADA

0
118

IMG_20140523_2118081.      Haddii laysku  geeyoo
2.      Laysku guursho maalmaha
3.      Intaad gogosha jiiftiyo
4.      Inta aad golmoontee
5.      Wax gasiimanaysaa
6.      Gu yaal badan tagaayee
7.      Goormaad werweriyoo
8.      Wershed aad isgalinoo
9.      Iska saari gawsaha
10.     Yaad oonta goosane
GARAADDARAN   ______   GAARIYE
Inkasta oo aan ahay nin dhalin yaro ah oo wali xoogiisu dihin yahay
hadana waxa aan imi guriga aniga oo leegleegadaya goor ay saacadu  ku
beegnayd tobankii habeenimo, hadii aan cabaar daawaday TVga ayaan
dabadeed u diyaar garoobay in aan seexdo, laakiin adaaba sheegaya,
furaashka iyo go”a la collow! Mayee la heshii oo la saaxiib cabaar
markii aanu goolaaftamaynay ayaa waxaa na soo afaraysay iyadii,
weydiiyay ooku idhi  MA GASHAAD  IGU  LAHAYD? KU_YE  HAA , WALAAL
HADDA GEFKA IGA DAA? KU_YE HAYEE ADUU GUHAADKA IGA DHAAF.
Waxoogaa hadii aan gunuunucay oo aan gurguurasho iyo gariirba daayay
oon gabood iyo gaashaanba ka dhigtay go”ii iyo furaashkii ayaan
gocanayaa in aanan gefbaad jeedaaye aanan geesna ka ridin se
cakiskeeda ay I karbaashtay oo ay koboc  iyo iyo koriinba ii diiday oo
ay I ilawsiisay in aan ahay xubin bulshada ka mida, qaranka ka mida oo
ay ka sugayaan kaalmo kas iyo korinba si loo wado keynaanka dheer ee
ummadda, oo ay I hilmaamisay in aan dareemo waxa aan u noolahay, iyada
oo humaag beena igu tusaysa in aan u imi kawnka in aan dhasho,
dherernaado, dhergo oo aan dhinto balse ay tahay  runtu in aan
dhasho,dhisto, dhaqdo,dhiso,dhinto aniga oo ka qayb qaatay hagaajinta
iyo horumarinta bulsho iyo qaranba. Ka darane ay I ilawsiisay sanado
badan marii ay bilaabmayeen in aan qaato buugayga qorshaha ( plan
book) si aan saacad walba, maali walba,week walba iyo bilkastiba ay
iigu astaysnaadaan wax gooniya iiguna suntanaadaan qiima gaara si
midiba ta kale iiga yeelato baadi sooc.
Waa ay I naafaysay oo ay I kala dhantaashay imikana u heelantahay oo
ay iila haasaawaysaa inay I tirtirto hayeeshee dulucduba waxay tahay(
mar I dage alle ha dago mar labaad I dage se anaa is dagay)  waxba
yaanan ku daaline KALA GARO NAFTAADA IYO LAFTAADA.