Kaftan Siyaasadeed: Kalmadaha Ay Maqalkooda Neceb Yihiin Guddoomiyeyaasha Xisbiyada Somaliland: W/Q: Cali Cabdi Coomay

0
138

 

 

Afeef: waa hadalo kaftan ah oo aanan ugu talogelin inay wax dhib ah soo gaadhsiiyaan Guddoomiyeyaasha Xisbiyada Somaliland oo Sharaf iyo Qadrin inaga mudan. Kuma jirto cay iyo aflagaado shakhsi ahi, balse waa qormo kaftan ah.

Guddoomiye C/raxmaan C/laahi Cirro

ü Mooshinkii Kursiga lagaaga qaadayey waa diyaar

ü Kulmiye iyo Xukumadii way kuu midoobeen

ü Waddani difaac ayuu ku jiraa

ü Gudd. Ku-xigeen Baashe ayaa kursiga kaa qaadaya

ü Ma taqaanid hadalka khudbada

ü Labada xil distoorku ma ogol

ü Ucid ayaa mucaaridnimada kaaga fiican

ü Baarlamaankii ayaad xukuumada gacanta uga gelisay

ü Waxaad u baahan tahay Kooras kudbadaha lagagu baro

ü Xeeladaha su’aalaha lagaga jawaabo waxba kama taqaanid

ü Hadalka inta qosolka leh ayaad ka taqaan

ü Mooshin ayey xukuumadu kugu wadaa

ü Musharaxaha xisbiga Gaboose ayaa kaaga haboon

ü Faysal Cali Waraabe ayaa kaa af-miishaarsan

Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi.

ü Siyaasi ma tihid.

ü Jabhad ayaad tahay.

ü Madaxweyne ma noqon kartid.

ü C/casiis samaale ayaa kaa taageero badan.

ü Dadka ma soo jiidan kartid.

ü Xisbiga Kulmiye wuu kala jabayaa.

ü Af-miishaar ma tihid.

ü Siyaasad fur-furan ma taqaanid.

ü Guurtidda ayaa u kordhinaysa Siilaanyo.

ü Hadii musharaxnimada lagaa helo maxaad sameyn?

ü Xisbiga dhexdiisa taageero kuma haystid

ü Maxaad uga noqotay musharaxnimadii M/weynaha?

ü Buudhi ayaa lagaa kireeyey.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe

ü Ucid wuu baabay, waana la iibinayaa

ü Jamaal Cali Xuseen musharaxnimada miyaad kaga noqnaysaa?

ü Faadumo Siciid maxay waddani ugu biirtay?

ü Ucid ,Xisbiga waddani ayaa ka taageero badan

ü Xisbi mucaarad ah lama moodo ucid

ü Xukuumada ayaa guri kuu dhisaysa

ü Dad miisaan lehi kumay soo biiraan Ucid

ü Hangoolka iska dhig

ü Hadalada uma fiirsatid

ü Waad xanaaq dhowdahay

ü Xukuumada ayaa Guri kuu dhisaysa

ü Tilifiishanka Qaranka ayaa warkaasi sheegay

ü Maxaad Guddoomiynimada u bannayn weyday?

 

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, Qoraa ah.

Haragaysa, Somaliland

calicoomay@hotmail.com