Wasaarada Maaliyada Somaliland Oo Xafiis Cusub ka furatay Buuhoodle.

0
202

buuhoodleBurco(Waaheen) Wasaarada maaliyada S/land ayaa markii ugu horaysay kastam cashuureed ka furatay magaalda Buuhoodle waxaana ka warbixiyey kastamkaa cusub  Isuduwaha wasaarada maaliyada Gobolada Togdheer ,Saraar, iyo Oodwayne Maxamed Jaamac Sanwayne waxa  uu  tilmaamay kastamkan cusub ee  wasaarada Maalyadu ka furatay Buuhoodle  waxaanu yidhi

” Kastamka cashuuraha waxaan ka furnay magaalo madaxda Gobolka Buuhoodle ee Buuhoodle waxaanu furnaa mudo laba todobaad ah runtii si wayn ayaa lanoogu soo dhaweeyey Buuhoodle haday tahay odayaasha iyo dadwaynaha ku dhaqan magaaladaasi,runtiina dakhli aad  ufiican ayaa uu  soo xareeyey markii kowaadba kastamkaasi cusub waxaanay baabuurtu soo maraan kastamkan  todobaadkii laba jeer ,dakhli aad ufiican ayaana naga soogala”

Waxa kale oo Isuduwaha sadexda gobol ee Wasaarada Maaliyadu sheegay kastamkamka Buuhoodle ay ka fureen uu kuyaalo gudaha magaaldaas ,waxaanu xusay Maxamed Sanwayne in hindisaha  Kastamkan uu lahaa Wasiirka Maaliyada C/casiis Maxamed Samaale

“kastamkan ayaa runtii noqonaya Kastamkii ugu horeeyey ee wasaarda Maaliyadu ka furato Buuhoodle taasina waxay ku timid dhiiranaan iyo hogaaminta fiican ee Wasiirka Maaliyada C/casiis Maxamed Samaale waana guul usoo hoyotay S/land gaar ahaan wasaarad maaliyada waana wax lagu faano maanta hadii cashuur tii laga qaadayo gudaha magaalda Buuhoodle waa wax sumcad u ah qaranka oo dhan taasna waxaa ku amaanan Wasiirka Maaliyada”

Waxa kale oo uu   Isuduwaha wasaarada maaliyada Gobolada Togdheer ,Saraar, iyo Oodwayne Maxamed Jaamac Sanwayne tilmaamay in kastamkani uu bilow uyahay olole balaadhan oo fikirkeega uulahaaa wasiirka maaliyada kaas oo ku wajahan qaabkii dakhli ururin balaadhan looga hirgalin lahaa Gobolada Bariga S/land

Gabagabdii isduwaha sadexda gobol waxa uu ku dheeraaday hawlaha dardargalinta Cashuura isagoo ugu baaqay bulshada ku dhaqan goboladaasi sidii ay ugu dadaali lahaayeen bixinta cashuuraha

waxaanu yidhi

“Maanta waxaan ka bilownay Buuhoodle hindise ahaana waxaanoogu jira inaan cashuur bixinta gaadhsiino dhamaan degaanada hoostaga Gobolka Buuhoodle waxaanu ugu baaqaynaa bulshada ku dhaqan Gobolka Buuhoodle oo aanu uga mahad celinayno sida aynoogu soo dhaweeyen buuhoodle inay diyaar ugu noqdaan sidii kaalin muuqata uga gali lahaayeen dakhli ururinta balaadhan ee ay ku jirta Wasaarada Maaliyadu ”

isku soo wadaduuboo talaabadan ay Wasaarada maaliyadu ku furtay kastam cusub gudaha magaalada Buuhoodle ayaa noqonayasa talaabo horumarineed oo ay ka gaadheen gobolada bariga S/land   dhanka siyaasada iyo dakhli ururintaba