Sheeko Kale: Shilin Walba Ma Tirisay? Cabdisalaam Yaasiin

0
33

cabdisalaan yaasinInan yar oo lacag sarifa sita oo doonaya in uu iibsada aayskriim ayaa makhayaad aayskriimka lagu sameeyo soo fadhiistay.

Ninkii aayskriimka iibinayay ayuu weydeeyay, “Waa imisa aayskriimka weyni?”

“Waa lix kun oo shilin,” ayuu ugu jawaabay.

Yarki lacagtii uu sitay ayuu tiriyay. Ninkii aayskriimka iibinayay ayaa weydiiyay, “Adeer, shilin walba ma tirisay?”

“Haa, waan tiriyay,”ayuu ku yidhi yarki. Waxa isla markaa ag yimi yarkii saddex miskiin.

Hadana yarka ninkii aayskriimka iibnayay ayuu weydeeyay, “Aayskriimka yarina waa imisa?”

“Waa saddex kun,” ayuu ugu jawaabay, “ ee waadigii tiriyay, imisa ayaad lacag haystaa?”

“Lix kun ayaan haystaa,” ayuu yidhi yarki.

Inta uu saddexdii miskiin midba kun siiyay, ayuu ninkii aayskriimka iibinayay, oo yarkii wuxu smaynayo aad u xiisaynaya,  ku jeestay.

Inta uu saddex kun u dhiibay, ayuu ku yidhi, “ Aayskriimka yar isii.”

Ninkii aayskriimka iibinayay oo inankii yaraa sidii uu wax u xisaabinayay iyo sidii uu wax u qaybiyay aad ugu bogay, ayaa inankii aayskriim weyn siiyay oo ku yidhi, “Saddexdaadii kun way barakowday oo sagaal kun ayay noqotay. Saddexdaadii iyo saddex aan anigu ku daray waa lacagtii aayskriimka weyn.  Saddexna waadgii maaskiinta siiyay. Alla ha ku barkeeyo, adeere, sidaa ayay u barakoobeen!!!”