Suldaan Wabar iyo Madax dhaqameedka Awdal oo ku kulmaya xuduudka Itoobiya iyo Somaliland

0
69

Saladiinta Awdal oo dadweynaha Gobolka Nabadgelyo ugu baaqay

Hargeysa(Waaheen) Madaxdhaqameedka Gobolada Awdal, Salal iyo Gabilay oo Shalay Shir jaraa’id ku Qabtay Magaalada Borama ayaa sheegay in aanay Wax dhibaato ahi ka jirin Gobolka Awdal, isla markaana ay Nabad tahay magaalada Borama iyo Deeganka ku xeeran, waxanay shacabka Gobolka Awdal ugu baaqeen in ay Nabadgelaydooda ilaashadaan lana shaqeeyan Dawladooda.

Salaadiinta waxa kale oo ay sheegeen in ay Gacanta ku hayaan Xalinta Arrinta Suldan Wabar iyaga oo Tilmaamay in maalmaha soo socda ay hawshaasi si Nabadgelyo ah ku soo dhamaynayaa, inkasta oo warka rasmiga ah ee la filayo uu yahay in isla maanta ay ku kulmi doonaan xuduudka labada dal ee Itoobiya iyo Somaliland.

Golaha dhaqanka ee Goboladaasi waxa kale oo ay ka hadleen Muhiimada ay leedahay Nabbadu iyaga oo isbarbar dhigay Faa’iidad Nabadgelyadu leedahay iyo dhibta Nabbad gelyodaradu leedahay.

Salaadiintasi oo Arrimahaasi ka hadlayaa waxay yidhaahdeen. “Dhalinyarada reer Borama waxan leeyahay dhib looma baahna ee isdajiya, haddii nabadgelyo daro dhacdo Masajido la galimayo, Iskuulo la dhigan maayo, Arrinkii Suldanka Dawladaa noo dhiibtay, isla markaana noga danbeysa, Ciidamadana waxan leeyahay Dhib ma jirte Xeryihiina ku ekaada, Buuqana Magaalada halaga daayo, Arrintii lanoo dirayna meel fiican ayey Maraysaa, shacabka reer Somalilandna waxaan u sheegaya in Gobolku nabad yahay oo aanay wax dhib ahi ka jirin.”

Saladiin kale oo iyaguna arrinakasi ka hadlay waxay yidhaahdeen. “Arrintii Maalmahan warbaahinta ka socday ee ku Saabsanaa Magaalada Borama ayaanu doonaynaa in aanu Dajino, oo la qaato xasiloonida iyo nabada, haddii aanu nahay Madax-dhaqameedyadii ama Golihii dhaqanka, waxanu halkan uga sheegaynaa dadweynaha Reer Borama in loo bahan yahay in aad nabadgelayda aad ilaashataan, oo dawlad iyo shacab si wadda jir ah loo ilaashado Nabada, Runtii maalmo dhaweyd Mudahaarada dhacay, dhalinyarada wax lagaliyey waxanu leenahay arrinka Suldaan Wabar ku saabsan anaga ayaa gacanta ku dhignay, anaga ayaa naloo dhiibay, Hawshaasina si nabadgelayo ah ayaanu ku dhammaynaynaa anagana gacanta ku hayna, waxanu u sheegaynaa dhammaan dadweynaha gaar ahaana dhalinyarada Borama ku dhaqan in aynu ilaashano nabad gelyada, Hawshii Suldaankan aanaga dhamaynayna, wax kalena ma jiraan, marka Nabadgelaydanu wax ku nahay nabbadgelayday dawladeenu ku dhisan tahay, lakiin hadii nabadgelyo darro dhacdo Dhaqtar la tagimaayo, jaamacada la tagimayo, lana shaqeysan maayo.”Ayuu yidhi Suldaanku.

 

 

“Ciidanka qaranku waa Jundullaahigaa, meeshii alle meeshii hawli ka gashana way tagayaan”Caddami.

Hargeysa(Waaheen) Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Caddami, oo ka mid ah Xubnaha Wasiirada ah ee Xukumaddu Gobolka Awdal ugu dirtay dejinta Xiisada uu Suldaanka falaagoobay ka abuuray Gobolkaasi ayaa sheegay in dejinta Xiisadaasi ku dhaw dahay Gabogabo.

Waxa uu sheegay inaanay wax wada xaajood ah la samayn Suldaanka balse ay u direen Madaxdhaqameedka Gobolka Awdal.

Wasiir Caddami oo ugu horayn ka hadlaya Baaxadda aragtida Suldaankaasi bixiyey ku dhex leedahay Bulshada Awdal waxa uu sheegay in Masuuliyiinta si fiican loogu soo dhaweeyay Gobolka Awdal , dadka qaba rayiga Suldaankuna yihiin Shakhsiyaad “Cudurka la weynaynayaa maaha mid dadku u dhan yahay ee waa mid Shakhsiyaad ku kooban ee maaha Cudur fiday, waxaana fiican in Dhibaato walba intii la Naaxin lahaa ama la buunbuunin lahaa loo daayo Cabirka ay leedahay” ayuu yidhi Wasiir Caddami.

Wasiirka Gaashaandhigu waxa uu difaacay Ciidamada Qaranka ee degaamada Suldaanku ku sugnaa la geeyay oo dadka qaar ku baaqay in dib loo soo qaado “Ciidanka qaranku waa Jundullaahigaa,meeshii alle meeshii hawli ka gashana way tagayaan, Meelaha ay tageena ilaa maanta meel laga soo cawday oo ama dhaqan xumi ama tacadi kale ay ka sameeyeen ma jirto.Baal dahab ah ayay Qaranka Somaliland kaga qoran yihiin,meelkasta oo qaranku uga baahdana way tagayaan” Ayuu yidhi Wasiir Caddami.

Wasiir Caddami waxa uu sheegay inaanay wada Hadal toos ah la furayn Suldaanka la sheegay inuu Ciidan ku urursaday Xuduudka Ethiopia iyo Somaliland “Suldaanka wax weyn baa noo dhexeeya anaga, Suldaan aanu anagu u tagaynaana ma jiro, ee waxaanu la shiray Dadweynaha iyo madaxdhaqameedka degaanka, waxayna muujiyeen wanaag, dedaalna way wadaan, wayna soo afjarmaysaa oo laba bari qaadan mayso.

Sida aan anigu xogogaal u ahayna inta hadhayna si dhakhso ah ayay u dhamaanayaan oo wanaag iyo is afgarad bay ku dhamaanayaan.dadka degaankaas degaana diyaar uma aha wax khalkhal galiya Nabad galyadoodii, wada shaqayntoodii, tacliintoodii iyo Jaamacaddahoodii, Caafimaadkoodii oo ay Gobolo badana kaga horumareen. Rag maanta dib u noqonaya oo waxyaabihii dad badan wakhtigu kaga lumay maaha oo Cuduradaas mar dambe saadsanaya, markaa Ninka hadda mandaqadaba aan joogin anaga wada hadal toos ah wakhtigu nooma saamaxayo laakiin dad nooga faro dhuudhuuban ayaanu u dirnay oo mar iyo lababa way is arkeen arintan iyo hadalka uu yidhina waa la soo gabogabaynayaa oo waa laga dabatagayaa” ayuu yidhi Wasiir Caddami.