Sawiro: Gudidii Shirkii Hodaale ee Sacad Muuse oo Beeniyey in ay doorteen Musharax Reerka ee Xisbiga kulmiye.

0
138

0403Hargeysa(Waaheen) Gudidii Shirkii Hodaale ee Beesha Sacad Muuse ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay Warar Warbaahinta la soo galiyey oo sheegay in Gudidu ay isku raaceen Shalay in Musharax Beeshu yahay Muuse Biixi, waxanay Warkaasi ku tilmaameen in uu yahay mid been cad oo aanay waxba ka jirin.

Gudidu waxay sheegen in hawshii loo xilsaaray ahayd Horumarinta beesha Balse aanay aan loo diran Siyaasada in ay faro galiyaan, iyaga oo sheegay in Saddexda musharax ee beesha Sacad Muuse ay u siman yihiin kuwaasi oo kala ah Wasiirka maaliyada Cabdicasiis Samaale, Wasiirka Arrimaha Dibada Maxamed biixi, iyo Muuse Biixi.017 01 07 08 09 10 11 012 014 016000 0001 0003 0005 0006