Shirkadda ION Geophysical Coperation oo sahaminaysa shidaalka ceegaago badda Puntland

0
86

Addis ababa (Waaheen) Ilo lagu kalsoon yahay oo ka tirsan xafiiska madaxweyne GAAS oo codsaday inaan magacooda la shaacin ayaa xaqiijiyay in mudane GAAS uu ADDIS ABABA kula kulmi doono Brian Hanson oo ah madaxa shirkada ION Geophysical Coperation oo ah shirkad sahmisa shidaalka ceegaago badaha. Labada masuul ayaa halkaa ku kala saxeexan doono heshiis u gogol xaadhayo in shirkada shati loo siiyo inay baadhitaan (seismic/sahmin) ka sameyso badaha Puntland.
Waxaa dowlada Puntland horumarin ahaan loo siin doona aduun dhan 1,000,000 USD oo ah xaq al-qalam (ama lacagta hormarinta saxeexa). Waxaa sidoo kale jiri doono lacag la bixin doono marka howshu bilaabmato iyo lacag la bixin doono marka sahmintu dhamaato.

Shirkadaan ayaa waxeey GAAS u balan qaaday in garab istaagi doonto doorashada madaxnimada Somaliya 2016. Si aad macluumaad dheeri ah u ogaato booqo mareeg shirkada:www.iongeo.com
Waxaa xusid mudan in heshiiskan lagu soo beegay xili lagu jiro xulashada wasiirka koowaad ee dowlada federalka. Horaantii sanadkii 2013 ayaa dowlada federalka heshiis noocan ah la gashay shirkada SOMA OIL & GAS oo soo gabagabeysay sahmintii laga waday qeybo kamid ah badaha Somaliya.

Wasiirkii hore ee macdanta iyo shidaalka Somaliya Mudane Daa’uud Bisinle ayaa si cad ugu digay shirkadaha aan lasoo xidhiidhin wasaaradiisa in tallaabo laga qaadi doono arintan waxay abuurtay buuq badan inkastoo Puntland ka biya diiday amarada wasiirka hadana GAAS wuxuu ku qasbanaaday inuu si dhuumasho iyo sir ah u tago ADDIS ABABA kana been sheego ujeedada safarkiisa.

Fadlan link hoose ka daalaco war-murtiyeedkii la xidhiidhay safarka GAAS intaanu Garowe ka dhoofin:https://www.youtube.com/watch?v=W0RxwHdRSN4
Madax wakaalada tamarta iyo shidaalka ee Puntland Dr. Isse Dholawa oo haatan ku sugan ADDIS ABABA ayaa wuxuu caadeystay in dhamaan howlaha la xidhiidho wakaaladiisa inaanu wax xog ka siin Baarlamanka Puntland iyo hay’adaha kale ee dowlada Puntland ee shaqo-wadaag yihiin wakaaladiisa. Masuulkaan ayaa noqonaya masuulka kaliya ee intuu xilka hayay oo kor u dhaafay 5 sanadood marna BARLAMAANKA PUNTLAND hortagin wax warbixin ah oo kusaabsan wakaalad soo gudbin.
Sababta ugu weyn ee loo aaneynayo qarinta ujeeda safarkan ayaa la quudareenayaa inay yihiin:
1. In laga badbaado faragalinta dowlada federalka. Sidaa daraadeedna inta buuqu jiro la dadajiyo saxeexa heshiiska
2. In BARLAMANKA PUNTLAND aanu u yeedhin Mudane Dhoolawaa oo la aamisan yahay in howlihii wakaalada aanu wax horumar ah oo la taaban karo gaadhsiin.
3. In la baalmaro sida mar walba caadada u ahaan jirtay maamuladii Puntland soo maray in lacagaha laga helo shirkadaha shidaalka iyo sooryada wax laga siiyo Madaxweyne ku-xigeenka, barlamaanka, odayaasha dhaqanka, iyo xerta ka agdhow madaxweynaha.
Ogaanshaha iyo soo shaac bixidda heshiiskaan oo mudo badan la qarinayay ayaa wuxuu walaac weyn ku abuuray madaxweyne GAAS iyo Mudane Dhoollawaa oo aad uga leexleexanaya in looga yeedho Barlamaanka iyo hanti-dhowrka Puntland si loola yeesho la xisaabtan dhab ah.