Laascaanood: San-saan dagaal oo ka dhex taagan laba Jilib oo ka tirsan Deegaanka

0
64

Hargeysa(Waaheen) labada beelood ee kala ah Qayaad iyo Ba-hararsame ayaa xaalad dagaal ka dhex dilaacday iyagoo tirade dhimashada kala gaadhay ay tahay laba qof oo labada dhinac ah iyo mid dhaawac ah.

hhahahaXaalada ayaa wali taagan waxaana jira abaabul labada dhinac ay ku doonayaan Jilib kastaa ba in uu ugu diyaar garoobo xaalad dagaal.

Dhimashada labada qof ayaa ka dhalatay kadib markii mid ka mid ah lagu dilay magaaladda Laascaanood iyadoo beesha kale na aargoosi ku dishay nin ka kale.

tirada dhaawaca ayay wararka ka soo baxayaa sheegayaan in tiradoodu tahay shan qof sadex Rag ah iyo laba Haween ah, kuwaas oo Rasaas lagu furay.

si kasta ha ahaatee wixii warar ah ee ka soo kordha waxaanu idiinku soo gudbin doonaa wararka soo socda.