SIYAASIGU WAA KA ARKA DHAMAADKA KAAHA KA IFAYA HOGGA:! Maxamed Faarax

0
97

IlcaseFahamka macnaha Erayada Xisbiyada Siyaasadda Dumuquraadiga iyo Cod bixiyaha.

Siyaasadda Toggan iyo ta Taban:

Siyaasadda togan waxay qayb ka tahay oo lagu qeexaa farshaxanka yoolka qorshaha nidaamka maamulka dowladdnimo, wax-qabad toosan iyo caqli wax-ku-ool ah, waana habka barshada, baadhida, tijaabinta, u  kuurgalida qaab-dhismeedka iyo dhaqanka dabiiciga ah ee dunida ka jira.

Mar kale, waxa loola jeedaa  awoodda iyo ujeeddada nolosha dadweynaha ama  nidaamka  ujeeddada ururrada, taasoo tilmaamaysa maamulka iyo aragti ee  xisbiyada siyaasaddeed ay isku maamulaan ama ay ugu  hoggaasamaan siyaasadda maamulka dowladda. Sidoo kale mararka qaarkoodka  waxa loogu yeedhaa inay tahay  go’aan ama hadal ujeedo leh,  sida; siyaasadda dadka, ururrada,  kooxo, tiro qawaaniin ah oo lagu xisaabtamo ama ay  tahay  mabda ‘hanuuniya go’aannada.

Siyaasadda Togan sidoo kale waxa barbar socda siyaasi, kaas oo lagu tilmaamo inuu yahay sarkaal loo qaabeeyey arrimaha muwaadiniint, loona  carbiyey cilmiga siyaasadda kaasoo ku shaqeeya xirfadda maareynta arrimaha muwaadiniinta.

Fahamka ama marka loo isticmaalo  sifo ka duwan sifaha aynu kor ku soo sheegnay waxa lagu tilmaamaa inay tahay Siyaasadd Taban, waana farshaxan ilaaq ah, danno kuwaas oo loo eekaysiinaayo in lagu tartamayo mabaadi iyo hoggaamin loogaga faa’ideysto danno gaar ah,  dannaha caamka ah ee guud, ama ay tahayba  hab lagu  daydayo xanuunka, inkastoo ay  heli ogyihiin,  ha jirto ama yaanay jirinbee, marna waxa lagu qeexaa inay tahay farshaxan qabow oo lagaga urursanayo tijaarta kharashka tartanka ollolaha, codkana  dadka saboolka ah,  iyagoo waliba kala illaalinaya balanqaadkooda, sidoo kalena Siyaasiga Tabanina uu yahay  mid had iyo jeer ka fikiraya  doorashada soo socota, halka  Siyaasiga Togana uu ka fikirayo jiilka danbe.

 

Balse dadka qaarna waxay aminsan yihiin inuu yahay siyaasigu Dadka (codbixiyaha), sababtoo ah waa kuwo arka dhamaadka kaaha ka ifaya hogga, waanay u soo baxaan, waxaanay iibsadaan hogag badan, waana kuwa kala xusha musharaxiinta siyaasadeed ee xisbiyada.

 

In kastoo Dimuquraadiyadda lagu qeexo hab loogu tartamo siyaasadda awooda dalka taasoo dadku ay ku doortaan hoggaamiye ku hogaamiya nidaamka siyaasadeed ee dalka u dajisan, iyadoo loo marayo  awood siyaasadeed  iyo  nidaamka siyaasadeed ee la doortay inuu badelo xukuumada hab doorasho oo xor ah,

 

sidoo kale xisbiyadda siyaasadeed waa koox  ka mid ah dadka oo nidaamsan, iskuna duuban, kuwaas oo leh fikir iyo ujeeddo isku mid ah, una diyaarsan sidii murrashax ay dadweynuhu soo doorteen ugu guulaysan lahaa awooda dalka, inkastoo xisbiyadda qaarkood ay ku mashquulaan kooxo dano gaara leh oo dhaqdhaqaajiya bulshada, kuwaas oo jeclaysta inay awoodda siyaasaddeed ee dalka kula wareegaan hab doorasho ama hab kacdoon, laakiin xisbiyada qaarna ma jeclaystaan kooxahahaas danaha

gaarka ah leh, sababtoo ah waxay ka lumiyaan ujeedada ilaalinta awoodda qaran iyo xakamaynta geedi

socodka siyaasadda guud ee u dajisan Dastuurka qaab dhismeedka shaqo uu siiyey sharcigu. Inkastoo aynaan ku soo koobi karin qormo keliya badweynta siyaasadda, dumuquraadiyadda, xisbiyadda,  gabi-dhaclaynta dadka xanbaarsan siyaasadda togan iyo ta taban.

 

Haddaan u gundo dego maxsuulka qormadaydan waxaynu sidaa ku qiimayn doonaa ujeedada iyo barnaamijyada siyaasaddeed ee saddexda Xisbi qaran ee Somaliland.

Ujeedooyinka xisbiga iyo barnaamijka siyaasaddeed ee xisbiga “KULMIYE” ka sokow waxay Xukumaddii wakhtigaa jirtay ee uu hormoodka ka ahaa Mudane Daahir Rayaale Kaahin, ay ku dhaliili jireen dhibaatooyin isbarkaday oo ah dhinaca  dhaqaalaha, siyaasadda iyo Arrimaha bulshada, iyagoo soo bandhigaya barnaamijkooda siyaasadeed  iyo qorshayaasha  ay ku hogaamin doonaan dalka haddii ay ku guulaystaan doorashada, taasina waa ta  u suuragalisay inay bulshada ka helaan taageero iyo codad badan, sababtoo ah waa  habka kaliyaata ee lagu doorto xisbiyada marna waa hab lagula xisaabtamo xisbiyada siyaasadda, iyaguna ay ku xisaabtamaan wixii uga qabsoomay iyo wixii aan uga  qabsoomin qorshayaasha barnaamijyadoodii siyaasadeed.

 

haddaba barmaamijka siyaasaddeed ee xisbiga “KULMIYE”waxa ka mid ahaa taabbo-gelinta madax-bannaanida  iyo ka mid-noqoshada ururrada caalamiga ah iyagoo ah dawlad la aqoonsan yahay, iyo inay dhisi doono bulsho casri ah oo ka xor ah faqriga, jahliga, dulmiga, keli-talisnimd,  guud ahaan maamul xumadda weji kasta oo ay leedahay, sidoo kalena ay dib-udhisid ku sameyn doonaan dhinacyadda  horumarinta adeegyada dadweynaha, sida wasaaradaha iyo hayadaha dowlada ee qaabilsan u khidmaynta bulshada, hirgalinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka sida wadooyinka dalka,wax-barashad, biyaha, caafimaadka, yagleelidda bulsho dimuqraadi ah oo ay saldhig u yihiin mabaadi’da talo-wadaagga ee ka soo jeeda dhaqankeenna iyo  diinteenna suuban, baadi-goobka xal-u-helidda dhibaatooyinka gudaha ee ka aloosan meelo ka mid ah gobolada Bariga ee Somalailand, dib u habeynta  dhismaha  ciidanka darajadiisa  kala sarrayneed taasoo aasaas u ah kala dambaynta  ciidan milateriga, daryeelka dhul daaqsimeedka, curinta habab cusub oo lagu dhaqo xoolaha iyo soo noolaynta seera-daaqsimeedyada, qabashada biyo roobaadka (samaynta harooyin iyo biyo-xidheenno)  iyo hakinta biyaha, ka hortaga boholaha biyo mareenka ah, diyaarinta xeerka la dagaallanka musuqmaasuqa, u-madax-bannaynta gudashada xilkiisa xafiiska Hantidhawraha Guud iyo horumarintiisaba, In la meel mariyo xeerka saxaafadda ee lam, 27/2004 ee ku salaysan qodobka 32 ee dastuurka, in la abuuro Hay’adda Qaranka Warbaahinta (Public Broadcasting Corporation) oo hoos imanaysa guddi madaxbanaan, sameynta xeerka anshax ku dhaqanka warbaahinta, in la kantaroolo adeegyada caafimaadka ee gaarka loo lee yahay, In la baadho isla markaana la ilaaliyo tayada dawooyinka dalka imanaysa,.….. La soco