WARSAXAAFADEED: LABA MASHRUUC OO AY MAALGALISAY (SBF) OO KALA AH ‘LESCO’ IYO ‘SAMO-KAAB’ EE MAGAALADA LASCAANOOD-GOBOLKA SOOL.

0
71

Mudane Cabdinasir Barrae oo ka mid ah hoggaanka sarre ee shirkadda tamar dhalinta, ee loo yaqaano (LESCO), ayaa si farxadi ku jirto uga hadlay wada shaqeynta iyo xidhiidhka ay la leeyihiin shirkaddaha kele ee kala ah „Gollis Energy‟ iyo „Energy 8‟ oo iyadana fadhigeedu yahay wadanka Switzerland. Shirkadda LESCO, ayaa waxa ay bishii ina dhaaftay bilowday adeegyo isugu jira Injineerin iyo in ay diyaariso 960 xabo oo Solaro ah, kuwaas oo kala ah „20 raso oo min 48 baanal ah oo ay rakibeen, kuwaas oo laga dhalin doono tamar dhan 240 KWP, tamartan waxa lagaga raysan doonaa kharashkii ku bixi jiray tamarta shidaalka laga dhaliyo.
Mashruucan oo ku bilaabmay nus malyuun dolarka Maraykanka ah ayaa noqday mashruuc ay ku soo xidhmeen shirkado caalamiga ahi, imikana isugeynta guud ee maal gelintu ay ku dhawdahay halmilyan iyo badh doolar ka Maraykankan ah, ka dib markaanu ogaanay in aanu u baahanahay in aanu wax ka barano dhinacyada kale ee hawlahan oo kale ku lug leh, si aanu u fahamno in mashruucan isku dhafka ahi uu u noqdo mid la fuliyo, waxaanu islaqaadanay in horumarin lagu sameeyo shabakaddaha xirfadlayda si aanu uga helnotaageerada aanu u baahanahay, marka mashruucu dhammaado LESCO waxay bixin doontaa adeeg laydh jaban, kaas oo aan wax yeelayn deegaanka iyo muwaadiniinta ku nool Lascaanood. Magaaladda Laascaanood waxa lagu dhammaystiray shaqo injiineernimo oo aad u adag oo uu qabtay Mudane Cabdinaasir Barre, mashruuca LESCO wuxuu noqday kii u weynaa ee laga dhaliyo tamarta cadeeda ee BarigaAfrika iyo inuu noqdo mid sida ugu suurto galsan u balaadhiya shirkada, (Leading Energy Solution Company), ee loo soo gaabiyay LESCO.
Waxa kale oo uu sanduuqa horumarinta ganacsiga Somaliland ee loo soo gaabiyo (SBF) maalgaliyay shirkadda biyaha ee Samo-kaab ee uu maamulo Mudane , Graad Cali Yuusuf oo soo saarta biyaha caagadaha kumoodhgaraysan, kuwaas oo lagu sifeeynayo laguna moodhgaraynayo magaaladda Laascaanood, wax soo saarka shirkadan cusub ayaa noqonaya mid si casri ah loogu farsamaynayo GobolkaSool, tani kaliya uun shaqooyin uma abuurayso dadka Reer Laas‟aanood, laakiin waxay ka markhaati kacaysaa awoodaha hal abuur ganacsi ee ay leeyihiin dadka ku nool gobalkan deegaan ahaan ka go‟doonsan Galbeedka wadanka ee magaalooyinku ku badan yihiin, “Waxaanu ka midho dhalin kari waynay hamigayagii hore ee ahaa in aanu mustaqbalka soo saarno biyaha moorka ah, laakiin imika waxa noo fududeeyay sanduuqa horumarinta ganacsiga Somaliland (SBF), kadib markii ay naga maalgeliyeen in aanu soo iibsano qalabka lagu farsameeyo biyaha”.Sidaa waxa yidhi GaraadAaliYuusuf oo ah aasasaha sirkadan Sama-kaab.

Hadda Shirkadda Sama-Kaab waxay higsanaysaa sannadkii iib dhan $690,000, wax soo saarka lacagtan oo ku imanaysa marka la helo macmiil joogto ah oo ku qanacsan wax soo saarka dalka guddihiisa, marka ay si buuxda u hawl gasho farsamaynta iyo soo saarka biyahan moorgaraysan, waxa la abuuri doonaa ku dhawaad shaqaalle gaadhaya ilaa 30 qof, oo ay ka faa,iidaysan doonaan dhalinyarada shoqo la,aantu ragaadisay. „‟Waxaanu rajaynaynaa in shaqadayadu ay dhiirigaliso dadka kale sidii ay ganacsiyo uga samaysan lahaayeenLascaanood”- Garad Ali Yusuf – Shirkada Sifaynta & Moodhgaraynta Biyaha ee Sama-Kaab.
Waxii faahfaahin ah kala xidhiidh: David Mitchell – Maamulaha Sanduuqa
Tel: +252.63.3513236 Web: www.somalilandbusinessfund.com