Madaxweyne siilaanyo oo si lama filaan ah saaka uga baaqday safar uu Ku tagi lahaba jabuuti.

0
111

Hargeysa(waaheen) Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa saaka si lama filaan ah uga baaqday safar uu Ku tagi lahaa dalka jabuuti’ baaqashadaas oo illaa hada xukuumaddu aanay sheegin sababta keentay.

Safarka baaqday ee madaxweynaha ayaan illaa hada ujeedadiisa La ogayn, base yeeshee sida ay warbaahinta qaarkeed qortay waxa La filayey inay Ku kulmayeen madaxweynaha somaliya. Baaqashada madaxweynaha waxa laga ogaaday madaarka hargeysa kadib markii lagu wargeliyey saraakiishii qaban qaabinaysay safarka madaxweynaha.