Ballan-qaad afka ah….Dib haddaan u aammino (Gorfeynta Barnaamajkii Doorashadii 2010kii ee Xisbiga Kulmiye: Mujahid Boobe

0
66

boobe21Ballan-qaad afka ah….Dib haddaan u aammino

(Gorfeynta Barnaamajkii Doorashadii 2010kii ee Xisbiga Kulmiye)

“Wadaamaha la dawdabay,

Dan-yartay ka maqan tahay,

Raacdadu ma daallana,

Dorraad iyo shalay-jire,

Doorka maanta noo jire,

Dib-u-jire hadhow-jire,

Ninba weel u daray baa,

Deyn loogu leeyahay,

Diiwaanka qarankiyo,

Taariikhdu dug ma leh,”

 

Maansadii Awrka dooh ma lagu yidhi ee Cabdi Iidaan Faarax ee Deelleeydii kuna taariikheysneyd: 7/4/1980kii, Hargeysa,

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale, cankaabo@hotmail.com,www.dharaaro.com

Qormada: 2aad

14/12/2014ka, Hargeysa,

Gudo-galka Barnaamajka:

Si aynu u qiimaynno, Barnaamajkan kulmiye, bal hadda aan isku kiin raaciyo mowduucyada Tusmada ku taxan:

Hordhac………………………………………………….2-3

Fariinta Guddoomiyaha……………………………….4-7

Himilada Xisbiga Kulmiye…………………………….10

Taabbo-gelinta xukun-wanaagga dalka…………….11-18

Siyaasadda Xisbiga ee Sool, Sanaag Bari

Iyo Buuhoodle………………………………………….18-19

Dib-u-habaynta Garsoorka iyo caddaaladda………20-22

Horumarinta Shaqaalaha Dawladda…………………23-24

Difaaca iyo Sugidda Ammaanka Qaranka…………25-28

Horumarinta Waxbarashada aasaasiga ah iyo

Tacliinta Sare…………………………………………..29-32

Daryeelka Caafimaadka Bulshada………………….33-35

Horumarinta Dhallinyarada…………………………..36-38

Kobcinta Dhaqaalaha iyo La-dagaallanka

Saboolnimada………………………………………..38-44

Siyaasadda Dibadda………………………………..44-46

Siyaasadd Xisbiga ee dadka la hayb-sooco……46-48

Tusmadii ayaa weli inoo socota aniga oo Ilaahay ka rajaynaya in aynaan ku kala hallaabin hilimmada huluusha ah ee ay inala jibaaxayso. Aan dhammaysanno Tusmo-ku-sheegtan:

Arrimaha Haweenka………………………………….48-49

Qurba-joogga………………………………………..50-51

Daweynta iyo Daryeelidda Naafada

Jidh ahaaneed iyo Maskax ahaaneed…………….51

Kobcinta Hiddaha iyo Dhaqanka………………….52

Diiwaanka qaranka………………………………….52

Lifaaq…………………………………………………53

Xogo ku saabsan Musuq-maasuqa Maamulka

Daahir Riyaale u geystay Somaliland……………53-58

Halkaas ayay ku dhammaanaysaa wixii ay Tusmada ku sheegeen ee aan sida quruxda badan ee mowduuciga ah u taxnayni. Xataa magacii Madaxweynihii markaa talada hayay ayay sixi kari waayeen, isaga oo weliba dedaalay oo magaciisu sida uu u qormayo Wareegto Madaxtooyada ka soo baxday ku soo saaray. Xisbigan Kulmiye ee isku-dayga barnaamajkan sameeyay dhugmo iyo feejignaan caynkaas ah ma lahayn oo waxa keliya ee u muuqday wuxu ahaa kursiga Madaxtooyada iyo sidii ay ugu boodi lahaayeen. Sidii ay u fadhiisteenna waa taa laga kicin kari la’ yahay ee xaalba iska noqday: “Dhulow kaama kaco.”

Tusmadii ku soo noqo. Horto rasaynteeda iyo qaab-xumada loo taxay ayaa kaaga filan in ay ahayd wax kursi lagu doonayay oo aan naf kale lahayn. Qoraal-xumida ayaa ka sii daran. Marka Buug – ku yar iyo ku weynba – la qorayo, mowduucyada sida ay isu raaci karayaan ayaa la isugu kabaa. Soomaalidu waxay tidhaahdaa: “Lafba lafta ku xigta ayaa lagu kabaa.” Qoraalkuna waa sidaas oo kale. Buug ama waxaad qortayna in ay kaa baxaan ma aha ilaa aad qurux iyo qiimo wixii ay lahaayeen u dhammayso. Sow tii Timacadde lahaa:

“Qoor-diidka anigoon u jarin, qun uma luuqayn,

Jeeroon qasaasilo debnuhu, igama qaadayn,”

Hadda waa maanso waxaas uu Timacadde qoor-diidka u goynayo ee uu sidii bariis la karinayo u qasaasilayay.

Waqti badan iskaga lumin maayo, idinkana idin kaga lumin mayo e’, bal aan si sar-ka-xaadis ah u guud-maro, weliba aniga oo sarriiganaya.

Ballan-qaad-xumida waxa inagaga daran, nimankii oo maalin kastaba la taagan warbaahinta horteeda Barnaamajkii iyo Ballan-qaadkii Xisbiga Kulmiye sidii uu u qornaa ayaanu u fulinnay. Qaarkood xadkaba inta ay ka baxaan ayay yidhaahdaan: “Barnaamajkii ballan-qaadka ahaa markii aanu 100% fulinnay, ayaanu inta waqtiga ka hadhsan wax siyaado ah idiin qabanaynaa.” Subxaan! Show guul-wadaynba hore uma aynaan arag.

Ta ay keenaanba tii hore ka daran. Sannadku waa 2014ka. Halka aynu joognaa waa Hargeysa oo aan ahayn Xarunta Gobolka Woqooyi Galbeed, bal se ah caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaad se mooddaa in dadka qaarkii ay joogaan xilligii nidaamkii Siyaad Barre ee dadka lagu odhan jiray car juuq dhaha. Madaxda xukun-jacaylka ku mamtay ee manta, qaarkood ayaa qoomammo iyo ciil ku jira oo jeclaan lahaa haddii ay noolaan lahaayeen xilliyadii nidaamkii Siyaad Barre. Ballanka Eebbahay in aanay cidba inaga reebeen. In aynu xilliyada qaarkood joogno, waxa loo maragsan karaa maansadii Dallaalimo ee Hadraawi ee 1983kii oo tuducyo ku jiray ay ka mid ahaayeen:

 

Dadku maaha kii hee,

Maqli jiray daryeelkee,

Arki jiray darxumadee,

Saadaal ku degi jiray,

 

Dadku maaha kii hee,

Dabar lagu ilaashiyo,

Dooh lagu xasilin jiray,

 

Dadku maaha kii hee,

Midho daray had iyo jeer,

Duudduub ku liqi jiray,

(La soco berri, haddii Eebbe idmo)

Boobe yusuf Ducaale.