Booliska Burco oo hawlgalo isdaba joog ah ku haya la dagaalanka Kamriga iyo shixnadii sadexaad oo ay gacanta ku dhigeen.

0
92

490Burco(Waaheen)Booliska Gobolka Togdheer ayaa maanta Gacanta ku dhigay shixnad khamri ah oo ka kooban 193 litir oo lasoo galinayay Magaalada Burco ,Booliska Gobolka Togdheer oo Beryihii ugu danbeeyay ku jiray hawlgalo Joogto ah oo lagu Cidhib tirayo Mukhaadaraadka khamriga  ayaa shixnadani waxay noqonaysaa tii sadexaad ee Bishan Gudheeda lagu qabto Magaalada Burco waxaanay Guud ahaan tirada Guud ee khamrigaasi noqonayaa 625 Lix Boqol iyo shan iyo labaatan litir.
Shixnadan Khamrig ah oo lagu soo Bandhigay ayaa sidoo kale waxay Boolisku soo bandhigeen Tooriyo iyo Soodhadh laga ururiyay dhalinyarta habeenkii wareegta. waxaana dadka kamriga ka ganacsada iyo dadwaynahaba baaq u diray Talyaha qaybta Gobolka Togdheer Gaashaanle Cabdi Muuse C/laahi”marnaba ka daali mayno khamriga iyo hubka sharci darada ah,waana markii sadexaad ee aanu soo qabanay bilahan gudaheeda,hada tirada alkan taala waa 193 litir dhamaan khamriga sadexda jeer aanu gacanta ku dhignay waa 625 litir.gawaadhiduna dhamaan waa Shan gaadhi,waxaanu leenahay Boolisku ma daalayo hadh iyo been iyagaa daali doona kuwa mukhaadaraadka keenayaa.
Sidoo kale Badhasaab ku xigeenka Gobolka Togdheer Maxamed Maxamud Yuusuf (Ubaxle)  ayaa isna Bulshada reer Togdheer ugu baaqay inay Booliska kala qayb qaataan sidii loo cidhib tiri lahaa khamriga iyo wixii nabadagelyo daro keeni kara,sidoo kale waxa uu iyana digniin u diray dhalinta habeenkii wareegta.