Imaaraadka Carabta Oo Taageero Maaliyadeed siiyey Somaliya iyo Afghanistan

0
107

Dubai(Waaheen) Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa markii ugu horreysay 500,000 oo dollar ugu tabarrudcay maal-gelinta arrimaha siyaasadda ee dalalka Soomaaliya iyo Afghanistan, sida ay sheegtay wakiilka gaarka ah ee dowladda Imaaraadka Carabta u qaabilsan Qarammada Midoobay Lana Zaki Nusseibeh.

Lana Zaki ayaa hadalkan ka sheegtay shir Talaadadii ay si wada jir ah u fureen iyada iyo ku-xigeenka xog-hayaha guud ee Qarammada Midoobay ee dhinaca siyaasadda Jeffrey Feltman.
Lacagta ayaa sidoo kale lagu maal-gelin doonaa dadaallada gurmadka deg degga ah, ka jawaabidda dhibaatooyinka sanadka 2015-ka iyo dhismaha dhinaca shaqada ee dalalka Soomaaliya iyo Afghanistan.