Dhagayso Madaxweynaha Somaliland xafiiskiisa Kula Shiray Safiir ku xigeenka Ingiriiska u fadhiya Dalka Ethiopia

0
67

 

DSC_0156Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland mudane Axmed Maxmaed Silaanyo waxa uu Xafiiskiisa ku  qaabilay Safiir ku xigeenka Ingiriiska u fadhiya Dalka Ethiopia gaar ahaan Addis ababa Mr Chris Allan. Dalka u yimid sidii uu u sii macasalaamayn lahaa Madaxweynaha iyo Shacbiga Somaliland ee uu muddada dheer la soo shaqaynaayey isaga oo loo la dalacsiiyey awgeed kana tegaya shaqadii safiir ku xigeenka,

 

Madaxweynaha oo Safiir ku xigeenka la qaatay shir saacado socday ayaa kula dardaarmay Mr ALLAN in uu hal;kaasi ka sii wado xidhiidhkii wanaagsanaa ee uu la lahaa Somaliland laga bilaabo maantana uu yahay saaxiibka Somaliland ilna uu iska saaro sidii uu qadiyada Somaliland u barbartaagnaan lahaa.

 

 

 

Madaxweynaha oo Hadyado kala duwan gudoonsiiyey kuwaasi oo  isugu jirta dharka hidaha iyo dhaqanka u ah Somaliland, iyo Astaamaha aynu dhaqan ahaan u leenahay hidaha.

 

Waxaana madaxweynaha ku wehelinaayey Kulankaasi

 

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Saylici

 

Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland Mudane Biixi

 

Wasiirka Madaxtooyada Mudane Xirsi

 

Wasiirka Maaliyada Mudane Cabdicasiis

 

Xoghayaah gaarka ah ee Madaxweynaha Mudane Cali

Halkan ka dhagayso Codkii
110101_001DSC_0162 DSC_0147 DSC_0146 DSC_0144 DSC_0139 DSC_0134 DSC_0133 DSC_0120 DSC_0119 DSC_0117 DSC_0112 DSC_0110