Al-shabaab oo Al-qaacida u gudbisay Dawcad ka dhan ah Hogaamiyahooda cusub iyo dhawr Sarkaal

0
55

Waxay ku Eedaynayaa inay dayaceen Hogaankii Ururka iyo inay cadawga siiyaan warar

Somaliya(Waaheen) Xog laga helayo maleeshiyada Al-Shabaab, ayaa sheegeysa in horjoogayaasha kasoo horjeedo Hogaamiyaha Maleeshiyada Abu Cubaydah ay warqad qoraal ah u gudbiyeen hogaamiyaha mayalka adag ee ee Al-Qacida Dr. Ayman Muḥammad Rabi ”al-Ẓawāhiri”.

Sida ay xogtu tibaaxeyso warqada ayaa waxaa lagu qoray 6-qodob oo ka dhan ah Abu Cubaydah taasi oo ay ka cabanayaan Maleeshiyada Inteeda kale, waxaana kamid ah qodobada laga gudbiyay:-
1 – Inuu dayacay amaanadii loo dhiibtay (Hoggaanka ururuka).
2 – Inuu ka weecday wacadkii uu ku maray sii ambaqaadka waxa ay ugu yeeren Jihaadka.
3 – Ka seegseegida amarada laga sugaayay ee ku aadan weerarada xarumaha, safaaradaha, QM, AMISOM, DF iyo kuwa hay’adah akale.
4 – Kala qeybinta maleeshiyada iyo bixinta xogaha Kooxda.
5 – Diidmada la dagaalanka DF Somalia, iyo dilalka qorsheysan ee kooxda.
6 – Waxa uu ka hor imaaday dhismaha gole sharci dajin iyo fulin oo Al-Shabaab ay yeelato.
Sidoo kale, Dacwadaani laga gudbiyay Abu Cubaydah loona gudbiyay ”al-Ẓawāhiri”, ayaa waxa ay barbar soctaa Dacwad taa lamid ah oo Seddex asbuuc ka hor laga gudbiyay Koox ay kamid ahaayen Mahad Kartaa, Cali dheere, Kabakutukade, Abuu Cabdala.
Dacwooyinka is xigxiga ee gaaraya Hogaanka sare ee Alqacida ayaa waxa ay muujineysaa kala irdhoobida Maleeshiyada iyo Khilaafka ka dhextaagan, inkastoo ay socdaan Fadhiyo lagu xalinaayo dhamaan Arrimaha ku xeendaaban Khilaafka.

Dacwadan ayaa la mid ah tii galaafatay saraakiishii ugu caansanaa Alshabaab, kuwaas oo uu Dilay Amiirkii Maraykanku Dileen, kadib markii ay u qoreen Alqaacida Eedaym o noocan oo kale ah oo ka dhan ahaa Amiirkii wakhtigaasi.