Somaliland oo laga Xusay Maalinta Xuquuqal Insaanka Aaduunka.

0
224

18(38).jpgHargeysa(Waaheen) Xuska Maalinta Xuquuqul Aadamaha Aduunka oo Sanad Walba laga Xuso Caalamka Tobanka Bisha December ayaa maanta Somaliland si Weyn looga Xusay, Munaasibad ay soo Qabanqaabisay Komishanka Xuquuqal Insaanka Somaliland ayaa Lagu Qabtay hotel Maansoor ee Hargeysa.

 Munaasibadaasi ayaa waxa ka Qaybgalay Wasiirka Cadaalada Somaliland Xuseen Axmed Caydiid, Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Xassan, Wasiirka Waxbarashada Samsam Cabdi Aadan, Wasiir Ku-xigeenka Caafimadka Nimco Xuseen, Taliyaha Ciidanka Laanta Socdaalka Maxmaed yuusuf, Agaasimaha Guud ee Warfaafinta Maxmaed Ilkacase, Xildhibaano, Salaadiin, Cuqaal, Aqoon yahano, Haween iyo Marti sharaf kale oo ka kala Socday hay’adaha Caalamiga ah iyo Kuwa Waddaniga ah.

Sarkaal ka socday Xafiiska Xaquuqul Insaanka Ee Somaliland Maxamed Garad Maxamuud  ayaa ugu horeyn faahfaahin ka Bixiyey Ahmiyada ay leedahay Maalinta Xuquuqal Insaanku waxanu yidhi.   “Maanta Oo Bisha December Tahay  10 (Toban) Caalamka Oo Dhan  Waxaa Laga Hadlayaa  Dal  Waliba Sida Uu u Ilaaliyo Xuquuqul IinsaankaWaxana Loo Baahan Yahay In Aynu Horumarino Xuquuqul Iinsaanka Waa In Loo Sinadaa Qawaaniinta Aynu Dhiganay  Oo Qofna Ka Dhaafin Waa In Qawaaninta  Oo Wax Walba Ka Sareeya Oo Yaanay  Reer  Nimadu Ka Sareenin  “ Ayuu  Garaad.

17(41).jpgWasiirka Wasaarada Waxabarashada Somaliland Samsam Cabdi Aadan ayaa Iyadu ku dheertay sida ay u haboontay in la ilaaliyo Xuquuqda Qofku leeyahay. Waxaa Ay Tidhi “Hambalyo Ayaan Leeyahay Qoladan Xuquuqul Iinasaanka Ee Nagu Casuumay In Aynu Kula Qaadno Wakhtiga Halkan Si Aynu Uga Hadalno Xuquuqul Iinsanku Waxuu Yahay Iyo Waxii Ay Qabteen Runtii Quraankeena Ayaa Sheegay Oo Ilaahay Ayaa Binu Aadamka Karaameeyey  Waxaa Weeye Waa In Aad Wax Kasta Oo Aad Qabaneyso Waa In Ay Ka Horaysaa Bani Aadam Tinmadu Hadii Aad Dhakhtar Tahay  Iyo Hadii Aad Qof Kale Oo Xil Haya Oo Kursi Ku Fadhiya Aad Tahay   Binu Aadam Ayeynu Nahay Khaladaadku Way Badan Yahiin Dadku Way Khaldami Karaan Mar Kastana Waa In Aynu Kitaabkeena Quraanka Kariimka Ah Aynu Ku Noqonaa  Waa Wax Adag In Qofka Xoriyadiisii Laga Qaado Yeynaan Ku Deg Degin In Qofka La Xidho Aynu Iska  Kaashano In La Furdaamiyo, Aniga Baribaa  Hal Saac baa lay xidho Naftiiba isku kay timid xoriyadu waa muhim ee aynu ilaalino.”Ayey Tidhi Samsam.

14(47).jpg - CopyGudomiyaha Xafiiska Xuquuqul insaanka Ee Soamliland Farxiya Xussen Jahuur Oo Halkaasi Ka Hadashay Ayaa Waxaa Ay Sheegtay In Xafiiskoodu Aanu Xidhiidh La Laheyn Xukuumada Iyo Xisbiyada Mucaaridka Ah Isla Markaana Uu Yahay Xafiis Ka Madax Banaan Oo Ay Golaha Wakiiladu Meel Mariyeen  Waxana Hadladeedi Ka Mid ahaa“ Waxaa Farxad Noo Ah In Aynu Maanta Xusayno Maalinta Xaquuqda Aadamaha Aduunka 10 December  1948  Waa Maalin Loo Asteyey In Ay Noqoto Maalinta Xuquuqul Aadamaha Ka Dib Markii Dagaalkii Labaad Ee aduunku Ay Ka Dhaceen Tacadiyo Fara  Badani Ka Dhaceen Aduunka , Maalin Tani  Waxaa Ay  Ka Turjumaysaa In Qofka Binu Aadamka Ahi Leeyahay Sharaf Iyo Karaamo Yadoon La Eegeen Midab , Diin , Reer ,Heyb Sooc Iyo Wax Kasta Oo Wax U Dhimya Kaaramada Qofka Bini  Bini Aadamka”Ayey Tidhi.

16(45).jpgWaxa kale oo intaasi ku dartay “Anagu Ma Nihin Xisbi Qaran Oo Mucaarid Ah  Iyo Mid Muxaafid Ah   Waxaanu Nahay Ha’yad Madax Banaan Oo Hawlaheeda U Madax Baan, Kominshanka Xuquuqul Iinsaanka Waxaa Soo Gaadhay  151 Cabsho Oo Isagu Jira Xuquuq , Racfaan Iyo Muddo Dhaaf Xadhig Oo Dadka Qaar Ay Sheegayaan  In ay Ku Muddo Dhafeen Jeelasha Waxaa Kale Oo Jira Kiisas Kufsi Ah, Waxaana Aanu Ku Guulaysanay In Aanu Jeelasha Ka Soo  Deynay Jeelasha Somaliland Oo Ay Maxkamadu Soo Daysay Markii Aanu U Gudbinay War Bixin Tahayda. ” Ayey Tidhi Farxiya Huseen Ahmed

Gudoomiyaha Dalada NAGAAD Marwo Nafiisa Axmed Yuusuf Oo iyaduna Madashaasi Ka Hadashay Ayaa Waxaa  Ay Bulshada Ku Boorisay In Laga Shaqeeyo Sidii Loo Joojin Lahaa Tacadiyada Ka 11(113).jpgDhanka Ah Bulshada iyadoona si Gaar Ah Uga Hadashay Kufsiga Loo Geysto Haweenka Oo Ay Tilmaamtay In ay Wakhtiyadan Danbe Inagu Soo Badanayaan Isla Markaana Waxaa ay Walidiinta Kula Dar Daarantay In Aanay Ubadkooda Ku Kaca Kufsi Aanay Ku Garab Galin.

Xildhibaan Cabdiqaadir Indho-indho iyo Aadan Xaaji Cali oo ka socday Kuliyada Khilaafadka Jaamacada Hargeysa ayaa iyaguna ka hadlay Munaasibadaasi iyaga oo ku dheeraday Ahmiyad ay leedahay  maalintani.

Xeer Ilaaliyaha Guud  Ee Qaranka Xasan Aadan Oo Isna Munaasibadas Ka Hadlay Ayaa Waxaa Uu Ka Hadlay Sida Muhiimka U Tahay Xoriyada Qofku Waxana Uu Sheegay In Laga Wada Shaqeeyo Sidii Loo Ilaalin Lahaa Xoriyada Oo Qofku Leeyahay

Ugu Danbeentii Waxaa Munaasibaad Ka Hadlay Soona Gabo Gabeyey Wasiirka Wasaraada Cadaalada Somaliland Xussen Ahmed Caydiid Waxaa Uu Ka Hadlay Ahmiyada Ay Leedahay Xoriyada Qofku Waxana Uu Sheegay In Ka Xukuumad Ahaan Ay Ilaalin Doonan Xuquuqda Uu Leeyahay Qof Kasta “ Sida La Sheegay Xuquuda Aadamku Marka Hore Waa Xad Uu Leeyahay Qof Waliba Hadii Qof Waliba Doono In Xaqiisa  In Si Aan Xad Laheyn Ugu Dhaqmana Wax Suurtobay Ma Ah, Waxaa Hore U Dhici Jirtay In Ragu Haweenka ay  Hangool Ku Jajabin Jireen Lakiin Maanta Anigu Waxaan Qabaa In Ay Dumarku Hangoolka La Dhaceen, Haweenka Halka ay Maanta Ka Joogan Garsoorka Xeer Ilaalinta Way Ka Shaqaeeyan Oo Waad Ka War Yahsaan Oo Qareenada Way Ka Shaaqeeyaan Oo Way Gadheen Haweenku In AY Qareeno Noqdaan Waxaan Leeyahay Xuquuqda Binu Aadamku Waa Mid Mihiim Ka Ah Nolasha Binu Aadamka  “ Ayuu Ku yidhi Xussen Axmed Caydiid