Jaamacadda Abaarso Tech oo Xaflad Casho Sharaf ah ku Sagootiday Dufcaddii Saddexaad ee Dhammaysata Shahaadadda Master-ta

0
252

abaarso tech university 4 Hargeysa (Waaheen)- Xaflad si weyn loo soo agaasimay ayaa xalay lagu soo bandhigay daraasado ay soo diyaariyeen ardaydda ka qalinjabiysay Degree-ga EMBA ee Jaamacadda Abaarso Tech Unversity. Xafladaas oo ka dhacday Hotel Dalxiis oo ay ka soo qaybgaleen maamulka sare, macalimiinta, ardaydda, waxa sigaar ah loogu dhagaystay daraasadihii qaar ka mid ah, ka dibna 8 arday oo ku guulaysay shahaadaha ayaa halkaa lagu gudoonsiiyey degree Master-ka EMBA.
Xafaladda oo uu furay Guddoomiya Jaamacaddu Dr. Axmed Xuseen Ciise wuxuu ku xusay in horumarku uu u baahan yahay dadkii hagi lahaa ee hogaanka qaban lahaa. Wuxuu amaa iyo bogaadin u soo jeediyay 8 arday ee talciintii sare dhamaystay oo tilmaamay inay dhammaantood gacanta ku hayaan hawlo munaacafaad u leh dalka gaar ahaan dhinaca ganacsiga.

abaarso tech 8Wuxuu ardaydaa ku sheegay intii “hal-abuurka iyo muhandisnimada lahayd.” Waxa isna halkaa ka hadlay Guddoomiyaha Guddida Sare ee ATU, Mud. Khadar Axmed Cumar oo soo dhoweeyey martidii, walaadiintii iyo aradydiibana iyo maamulka Jaamacadda. Isagoo xusay inay maamul ahaan markastaba tahay waxa ay mudnaanta siiyaan siddii ay u bixin lahaayeen waxbarasho tayo leh, taasina ay tahay hadafkooda koowaad ee ay ka duulaan markastaba.
abaarso tech university 0Laba ka mid ah daraasadiihii Masterka ayaa waxa soo kalabandhigaya Khalid Ismail Abdi iyo Axmed Ismaaciil Cige. Khalid wuxuu soo bandhigay daraasad kusaabasan: “Doorka shirkaddaha Isgaadhsiintu ku leeyihiin horumarinta Dhaqaalaha Somaliland” daraasadaas oo daah ka rugtay horumarka tiknoolajig ku leedahay kobcinta dhaqaalaha, heerka Somaliland marayso, baaxadda dhaqaale, heerka isticmaalka Somaliland iyo isbarbar-dhigga inta kale, khaas ahaanna waxay daraasaddu iftiimisay in isticmaalka INTERNETKA ee Somaliland aad u hoseeyo. Wuxuu kale oo tilmaamay ganacsiga ku xidhan iyo kuwa ku xidhmi kara, ugu dambayntiina wuxuu soo jeediyey talooyin la xidhiidha sidii loo horumarin lahaa IT-ga Somaliland.

 

abaarso tech 6Daraasadda labaad waxa soo bandhiga Eng. Axmed Ismaaciil Cige oo cilmi-baadhistu la xidhiiday “Dhiirigelinta shaqaalaha iyo horumarka ganacsiga.” Wuxuu daraasadda ku tilmaamay sida maamulku u helo karo shaqaale shaqadda horumariya iyo dhiirigilntooda. Wuxuu tilmaamay sifaha shaqaalaha loo dhiirigeliyo, waxyaabaha loo baahan yahay in lala wadaago, sida loogu qanciyo faa’iidada shaqadooda iyo sifooyinka salka u ah dhiiriglintu. Ka dhib waxa ardaydii la gundoosiyey shahaadadiihii waxana xafladda soo xidhay Agaasimaha Guud ee Tacliinta Sare Mudana Abiib Axmed Cali oo ku amaanay Jaamacadda ATU horumarka ay muddo gaaban ku gaadhay isaga oo tilmaamay inay Jaamacaddu tahay mid tayo leh. Wuxuu agaasimuhu tilmaamay in Somaliland intii hore ku jirta dib-u-dhis, balse imika in la gaadhay markay tayada lagu dari lahaa dib-u-dhiska Jaamacadda ATU-na ay u muuqato mid tayadii culayska si gaar ah u saartay. Waxaanu agaasimahu sheegay inuu ugu riyaaqay.

abaarso techabaarso tech executive mba-1 Ugu danbayn, agaasimaha wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta sare Md. Abiib Axmed Cali ayaa ardayddaas guddoonsiyay shahaadooyinka. Ardayddan ayaa ahayd dufcaddii saddexaad ee ka qalinjabisa jaamacaddaas ee qaadata shahaadadda sare ee EMBA tan iyo wakhtigii jaamacaddaas la aasaasay sannadkii 2009 kii. Waana jaamacaddii ugu horraysay ee dalka ku soo kordhisa waxbarashadda sare ee master ta.abaarso tech 6