Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Agaasimaha Sirdoonka Somaliland oo safray Itoobiya iyo Kenya

0
59

Hargeysa(Waaheen) Wasiirka wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade iyo Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Somaliland Jaamac Maxamed Bootaan ayaa doraad ka dhoofay madaarka caalamiga ah ee Hargeysa, halkaas oo ay uga kicitimeen safar ay ku tageen dalalka Itoobiya iyo Kenya.

Safarka labadan masuul wax Xog ah warbaahinta lagama siin, hase yeeshee sida tibaaxaha laga helayaa sheegayaan waxay kulamo kula yeelan doonaan Addis ababa iyo Nairobi Madaxda dalalkaasi iyo kuwa Reer Galbeedka ee daneeya arrimaha Amniga Gobolka.

Warancade iyo Jaamac Bootaan ayaa safarkan oo kale hore ugu tagay dalalkaasi, waxaanay kulamada ay la yeeshaan madaxda ay la kulmaan isugu gudbiyaan Xogaha la xidhiidha Amniga Somaliland, iyo waliba kuwa Mandaqada ku xeeran maadaama ay Somaliland kaga gudban tahay dalalka Itoobiya iyo Jabuuti kooxaha mucaaradka ah.

Sidoo kale, wararka u dhuun daloola safarka labadan Masuul ee ugu sareeya Amniga Somaliland ayaa la filayaa inay Xukuumadda Federalka Itoobiya kala hadli doonaan sidii ay gacan uga geysan lahayd guluf ay ciidamadda Somaliland ku qaadeen koox ka dilaacday galbeedka Gobolka Awdal kuwaas oo uu hogaaminayo Suldaan Wabar, kuwaas oo halis ku noqon doona Amniga haddii aan dhakhso gacan birr ah loogu qaban.

Dawladda Federalka Itoobiya iyo Somaliland ayaa ku wada jira heshiis dhinaca Amniga Xuduudka labada Dal, kaasoo dhigaya inay labada ciidan iska kaashadaan wax ka qabashada kooxaha khatarta ku ah Amniga, hase yeeshee ilaa hada lama oga sheegashada Kooxda Suldaan Wabar ee ah in ay ku jiraan gudaha xuduudka Itoobiya.

Si kasta ha ahaatee safarka saraakiisha Amniga Somaliland oo inta badan la xidhiidha wada shaqaynta ka dhaxaysa Hay’addaha Caalamiga ah ee Amniga ayaan la garanayn waxa uu xilligan ku qotomo iyo taageerada ay ka soo heli doonaan maadaama Somaliland Fuliso shaqooyin Dan u ah Caalamka.