Qiimaha sarifka Dolarka oo kor u kacay iyo Birr-ta Ehtopia oo hoos u dhacday

0
315

lacagosarifHlacagoargeysa(Waaheen) Qiimaha sarifka labada lacagayow  ee Dolarka iyo Itoobiya-da ayaa midinia hoos u dhac weyni ku yimi, mid-na korodh xad dhaaf ahi ku kordhay maalmihii ugu danbeeyey.

Qiimaha Halka Dollar ayey gacantiisa hore ka maraysaa suuqa sarrifka lacagaha qalaad toddoba kun iyo laba boqol iyo konton Shilling oo ka dhigaysa boqolka Dollar in uu marayo toddoba boqol iyo shan iyo labaatan kun oo Shilling, halka gacanta danbe lagaa siinayo toddoba kun iyo laba boqol iyo sideetan Shilling, taasoo boqolka Dolar ka dhigaysa in uu suuqa ka marayo toddoba boqol iyo sided iyo labaatan kun oo shilling Somaliland ah.

Qiimaha lacagta Itoobiya ayaa iyana Suuqa Sarrifka lacagaha qalaad gacanta hore laguugu sarifayaa marka aad sidato boqol dollar oo kale laba kun sadex boqol iyo Soddon Birr, halka gacanta danbe laguugu sarrifayo laba kun saddex boqol iyo afartan Birr.

Lacagaha qalaad ee Dollarka iyo Birr-ta ayaa ah labada loogu isticmaal badan yahay Suuqyada Somaliland, waxaanay saamayn ku yeeshaan nolol maalmeedka iyo Badeecadaha kala duwan ee dalka lagu isticmaalo, maadaama intooda badani yihiin kuwo Dibedaha laga soo waarido.

Lama garanayo sababta lacagahan mid-na u kacday ta kale-na hoos ugu dhacday hase yeeshee sida ka muuqata sayladaha sarrifka waxa jira is-dhaaf dhinaca doonista iyo bixinta kaashashka lacagahan oo qaarkood-na suuqa ku soo bateen, kuwa kale-na ku yaraadeen.