“Wax-yeelo xukuumadaneey ba’. Tay keentaaba tii kale ka daran oo waxay leedahay hinaase dumar dumarka iyo hibasho agoon yar oo aabihii la dilay” Cali Guray

0
115

cali-gurayHargeysa(Waaheen)Gudoomiyaha 3-aad ee Xisbiga Ucid Mujaahid Cali Guray, ayaa ka hadlay Weerar dhalinyaro aan wali la aqoonsan cida soo abaabushay ku qaadeen Munaasibad Xisbiga Waddani ku lahaa Hotelka Crown ee Hargeysa. Waxa uu sheegay inay u muuqato in Kulmiye iyo Madaxtooyadu ka midaysnaayeen arinta lagu carqaladeeyay Munaasibada Waddani

“Wax-yeelo xukuumadaneey ba’. Tay keentaaba tii kale ka daran oo waxay leedahay hinaase dumar dumarka iyo hibasho agoon yar oo aabihii la dilay. Afka goosatooy afeef hore iyo adkaysi dambe midna ma leh. Waxa ladh iyo dacar ku oogay Waddani baa lagu biiray, hadana lagu biiray, oo hadana lagu biiray. Ma sii garan karaan in tan iyo tu ka sii daran ay jawaab u hili karaan.

Shirqoolkan waxan is leeyahay hogaanka KULMIYE iyo Madaxtooyadu way u dhan yihiin waxayse ka helaan bay leeyihiin ee yaanay cidna wax ka siinin. Mee Madaxwaynihii la doortay iyo dhaartii uu magaca ilaahay ugu dhaartay in uu DAACAD U YAHAY DALKIISA SOMALILAND DADKIISANA KU XUKUMI DOONO CADAALAD IYO SINAAN. Miyaanay wax lagu qoslo ahayn markaa uu leeyahay, SHARCIGA HA LAGU DHAQMO mise waa hadal ay u soo qoreen kuwa tan samaynayaa oo sidii loogu qoray uun uu u akhriyo ee sharci iyo sharci darro midna isagu ma kala oga.

Iska daa DHAHAR WAA NINKIISII, SHILKA DHACAY MA MOOGA EH, ISAGIYO DHAN QALATADA DHACANTAA U KALA ROGAN. Hadii aan arinkan si runa loo baadhin oo aan sharciga la horkeenin cidii ku kacday iyo intii ka dambaysay ee KULMIYE IYO MADAXTOOYABA LAHAYD OGOW KARIS XUN IYADUNA WAX KU LA’ eh.” Ayuu Cali Guray ku yidhi Qoraal uu soo saaray