QALBIGU YAANU KU URIN .‏

0
101

Macalin jaamacad wax ka dhiga ayaa ardaydiisii waxa uu u soo bandhigay ciyaar , waxa uu mid kasta ka codsaday in uu bac keeno ay dhawr xabadood oo tamaandho ahi ku jiraan , kabacdi arday kastaaba waxa uu ku dul qori doonaa tamaandhada xabbad kasta inta qof ee uu NECEB YAHAY iyo inta uu  LA COLKA YAHAY -ba. arday kastaaba waxa uu keenay dhawr xabbadood , waxaanu ku dul qoray magacyadii dadkii uu necbaa iyo kuwii uu la colka ahaaba , mid laba ku dul qora – mid saddex – mid afar – mid shan  iyo mid in kabadanba ku dul qoraba .

Wuxuu macalinkii ku yidhi ardaydii : mid kastawba tamaandhadaada ku rido bacdii aad sidatay , meel kasta oo aad tagtona u qaado muddo 7-ba casho ah , hana dhigin maalin qudha .
Laba cashoba markii laga soo wareegayba , tamaandhooyinkii way qudhmeen , urtii ka soo baxaysayna way necbaysteen , waanay u adkaysan kari waayeen , qofkasta oo ay agmaraana waxa uu yidhaahdaa : waar maxaa soo uraaya ? ama qofkan ka uraaya ee uu sitaa . mid kastaana kii uu ka tamaandho badnaa , wuu ka qadhmuun badnaa .
TODOBA CASHO kabacdi markii mudadii dhamaatay ayay wada nefiseen .
Macalinkiina wuxuu ardaydii waydiiyay : sideebuu dareenkoodu iyo shucuurtoodu ahayd mudadii ay siteen tamaandhooyinkii qudhmay ?
Waxay dhaantood sheegeen oo isku raaceen in ay NECEEN wixii ay siteen ee ay la tegeyeen meel kasta oo ay tegeyeen .
Macalinkii wuxuu ardaydii u sharxay una  sheegay ujeedadii uu ka lahaa ciyaartan , wuxuuna yidhi :
Waxaan doonaayay inaan  idin fahansiiyo ,ogaataanna culayska iyo qadhmuunka uu leeyahay NACAYBKA aad qof kale aad QALBIGA ugu hayso .
NACAYKA iyo colaadda oo QALBIGA wisikheeya , bal hadaba waxaad ka warantaan , waxaad xamiliwaydeen , inaydun 7 casho oo qudha u adkaysataan urtii iyo qadhmuunkii tamaandhadii xumaatay , ee bal waxaad SAWIRATAAN NACAYBKA iyo COLAADDA aad qof kale u hayso ee aad weligaa xanbaarsan tahay , culayska iyo xumaanta ay leedahay . Hadana waxaan idiin sheegayaa idinkuna waaninayaa , inaydaan cidna NACAYB iyo COLAAD toona QALBIGA ugu xanbaaran . si aanu qalbigaagu kaaga urin kaagana wisikhoobin .
Waxaan kaloo idinkula dardaarmayaa , in aad iska saamaxdaan ciddii idin xumaysa , taasuna waxay kuu horseedaysaa inaad nolol fiican oo farxad leh aad ku noolaato .
Hadaba NACAYBKU iyo COLAADDU iyo CAYDU – AFLAGAADADU -iyo KHILAAFKA JOOGTADA AHI , nolosha bulshada way dumiyaan , waanay kala fogayaan .
Ummadda iyo shicibka ha laga daayo xumaanta maalin kasta taagan ee lagula kacaayo , idinkana  QALBIGU yaanu  idin urin .
Ummad isnecebina waxba ma wada qabsan karto , dalna kuma dhismi karo ee ummadda sidan ha laga daayo .
CALI MAXAMED BIIXI
caliwwelli@hotmail.co.uk