Ifrax Kirix oo Somalida Sweden ugu Baaqday in aanay isku Khaldin Labbada Xisbi ee kala ah Social-Demokratiga iyo Sverige-Democrati.

0
88

sawiHargeysa(Waaheen) Wadankan Iswiidhan waxaa muddo hada laga joogo laba bilood iyo badh ka dhacay doorashadii Baarlamaanka, Iyadoo hadba xisbiga ugu aqlabiyada badan ama ugu codka badani yeesho Raysal-wasaaraha.Hadaba xisbiga Social-Demokratiga oo u badnaa codkii ayaa helay ama noqday xilkii Raysal-wasaaraha isagoo isbahaysi lasameeyey xisbiga Cagaaran(Miljøpariet) iyagoo marka wadartooda laysu geeyo isku helay 137 xubnood isla markaan Aqlabiyadii ay ku hawgelilahaayeen waxa ka dhinaa  38 kursi ama xubnood si ay u yeeshaan Aqlabiyada (majooratiga).

Taasi waxay keentay markii la soo gaadhay in la ansaxiyo Miisaaniyadii in ay waayeen codkii Aqlabiyada iyadoo xisbiga Cunsuriga ah iyo xibisga Alliancegu diideen soo jeedintii ama Odoroskii-miisaaniyada sanadka soo socda ee 2015ka.

Hadaba maadaama aanay haysan cod ay ku meel mariyaan xisbiyadii kalena diideen waxay kaliftay in Raysalwasaaruhu ku dhawaaqo in  doorasho dib loo galo si dadku markale kalsooni ugu qaadaan xisbigii hagi lahaa maadaama aan hada cidna lahayn Aqlabiyada.Sidan oo kale waxa ugu danbaysay wadanka Sweden 1958kii.

Hadaba markan waa in dadku aad uga qayb-qaataan doorashada uu Raysal-wasaaruhu ku baaqay in laqabto 22 Bisha maaraj ee sanadkan cusub 2015ka insha Allah.

Hadda Dadka Somalida ee Codeynaya  waxa looga Digayaa in aanay isku Khaldin Labbada Xisbi ee kala ah Social-Demokratiga iyo Sverige-Democrat, sidaasi darteeda Sverige-Democratiga waa Xisbi neceb dadka soogalootiga ah marka waa in aad iska illaalisan, laakiin Xisbiga Social-Demokratiga waa xisbi Aan lahayn Wax Cunsuriya ah.

Ifrax Kirix
Sweden.