Affduubyada Oo kusoo badanaya Magaalada Borama Iyo Wariye Cali Ismaaciil Aare Oo Ay Afduubeen Shufto Aan Lagaranayn .‏

0
50

Borama  Koox Aan lagaranaynin ayaa lagu soo waramayaa in ay Afduubeen wariye Cali Ismaaciil Aare oo ahaa suxufiga   wargayska ka Waaheen  uga soo warama gobolka Awdal sida ay u xaqiijisay saxaafada Xaasaka wariyuhu.

Hibo daahir Cilmi waa Marwada wariye Cali Ismaaciil ,waxana hada ay ka warbixinaysaa  sida ay wax u dheceen.” Walaal waxa weeyi shalay 10 kii subax ayuu naga baxay  xiligii qadadana wuu ka dib dhacay , kadib markaan yaabnay  ayaa galabtii waxan garaacay telefoonkiisii  ,lama heli karo ayuu lahaa xalay oo dhan  ilaa iyo  saaka waagu uu ka baryayey waan garaacaynay  saaka sagaalkii subaxnimo  ayuu telefookii dhacay waar haye diina wuxu yidhi- Waa la i afduubay , oo xageed jirtaa  ayaan ku celiyay   kadibna waaba lagooyay telefoonkii, .” Marwo Hibo Daahir Cilmi oo wali sii wadata  hadalkeedii ayaa waxa ay raacisay.” Kadib waxan tegay saldhiga Bilayska ee Borama waxanan u sheegay masuuliyiintii joogtay oo uu ka mid ahaa taliye xigeenka Qaybta Cismaan Haari waxaanu igu yidhi   ku qor  buuga danbiyada ee sldhiga ama O P ga , kadib na waan ku qoray O,P gii dacwadii  in taasi ka dib waxa  war ah oo kale ka maan helin sidii buuna u xidhnaa telefankiisu kadib, 4 tii galabnimo ayaan hadana garaacay  telephonekiisii kadib waa uu iga qabtay waar halkeedjoogtaadii aan idhina wuxuyidhi waa la i afduubay oo xuduuda Itobiya ayaa laygu haystaa .”

Mar hadaba la waydiiyaya marwada in ay jiraan cid ay colaadi ka dhaxaysay waxa ay ku jawaabtay.” Horta ma ogi cid ay colaadi ka dhaxaysay balse dee walaal waa wariye oo dhawr jeer ayaa la xidhay waliba inta ay dawladan siiraanyo jirto laakiin marka la xidhaba wuu nala soo hadli jiray oo kadibna meesha uu ku xidhan yahay ayaanu ugu gayn jirnay raashinka iyo gogosha laakiin afduubkan oo kale majirin.”

Waxa kale oo marwo Hibo Daahir Cilmi lawaydiiyay sida  telefoonka loogu ogolaaday qof la afduubay waxa ay tidhi .” Horta walaal walaahi  dee maan arag qof la afduubaye laakiin mooyaana dee in hala ogaado loogu dhiibayana. ”

Gabagabadii mar la waydiiyay marwada in wariye Cali  hada  ka hor afduub loogu gaystay waxa ay ku jawaabtay. “May Walaal intii aanu wada noolayn imika ayaa ugu horaysa  kahor na isaga kama aanan maqal in la afduubay waayo wuu ii sheegi lahaa haday jirto. ”

Sikastaba ha ahaatee afduubkan ayaa ku soo beegmaya wakhti ay magaalada Borama ku sugan yihiin madaxda ugu saraysa wasaarada warfaafinta oo uu ka mid yahay wasiir Cukuse iyo Afhayeenka madaxtooyada Somaliland  mudane Dhuxul oo iyaga laftoodu wariyayaal hore u ahaan jiray balse nasiibdaro maaanta aan ka  warhayning wadciga ay ku sugan yihiin suxufiyiinta gobolka Awdal , sida Afduubka wariyahan oo kale .