Wax-garadka, Dhalinyaro iyo Aqoonyahan Hambalyo u diray Xubinta Haweenka kaga jirta Guddiga doorashooyinka Qaranka Somaliland

0
23

Hargeysa( ):- Wax-garad, Aqoonyahan iyo Dhalinyaro, ayaa Bayaan Taageero, Hambalyo iyo Talo ah u diray Guddiga doorashooyinka Qaranka Somaliland ee toddobaadkii hore ay Golaha Wakiilladu ansixiyeen, waxaanay si gaar ah u hambalyeeyeen Xubinta keliya ee Haweenka ah ee ka tirsan toddobada Xubnood ee Guddiga cusub ee doorashooyinka Somaliland.

Waxay Xubnahan oo ku sugan magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland sidaa ku sheegeen Bayaan kooban oo ay Magacyadoodu ku qornayeen, kaasoo ay Warbaahinta soo gaadhsiiyeen, ayaa qoraalkiisu u dhignaa sidan:-

“Annaga oo ah Wax-garadka, Aqoonyahanka iyo Dhalinyarada Magacyadoodu hoos ku qaoran yihiin waxaannu Taageero iyo Hambalyo u gudbinaynaa Xubinta Haweenka Somaliland ugu jirta Guddiga doorahsooyinka Qaranka ee toddobaadkii hore Golaha Wakiilladu Codka Aqlabiyadda ah ku ansixiyeen Marwo Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi.

Waxaannu leenahay Hambalyo, Xilka culus ee adiga iyo lixda xubnood ee kale ee Guddiga doorashooyinka la idiin dhiibay Allaah ha idinku asturo, oo noqda Insha Allaah Guddi Xaq ugu adeega Shacabka Somaliland ee masuuliyadda ku dhawaaqista go’aankoodu idin saaran tahay, caddaalad-na ugu xaqsoora Xisbiyada iyo Musharrixiinta u tartamaya doorashooyinka soo socda haddii ILLAAHAY yidhiaahdo. Wa Billaahi Tawfiiq.” Magacyada Xubnaha Bayaankan Soo saaray waxay u dhignaayeen sidan:-

Eng. Maxamuud Xasan Cabdi

Mawliid Aadan Cumar

Muxiyadiin Cabdi Ibraahin

Khadar Cabdi Cabdillaahi

Eng. Axmed-nuur Cabdi Ibraahin

Dr. Axmed Ibraahin

Madar Cabdiraxmaan Axmed.