MATAQAAN CADAWYADA YOOL KAAGAA?‏

0
136

Sida aynu wada ogsoonahay qof waliba waxaa uu leeyahay yool ama hadaf uu hiigsanaayo oo uu rabo inuu  gaadho  isagoo adeegsanayaa wadooyin uu ugu talo galay inuu ku gaadho ilahayna talo saaranaaya oo aan isku halaynahayn awoodiisa aqooneed ama kartidiisa kaliya.

Hadaba walaal waxaad ogaataa oo aad niyada iyo qalbiga ku haysaa inuu jiro ama ay jiraan caqabado fara badan oo kugu sugahaya wadada aad yoolkaaga u marayso kugu diyaara dagaal culusna kugu ekayn kara loona baahan yahay inaad iska ilaaliso kuna talo gasho inaad ka gudubto oo aad adkaysi buuxa u yeelato adigoo markastaba ogaanaaya inay jiraan caqabadahaasi oo ilahay isku xidhaaya.

Caqabaahaasi waxaa kamid ah kuwan hoos ku yaala ama ku shaxaysan waanad dareemi kartaa markaad aad ugu kuur gasho inay jiraan oo aan ladafiri karahayn.

1.  Kow waxaa ka ah yoolkaaga inaad gaadho dadka caqabada ku noqon karaa waa qaraabadaada oo laga yaabo inay siyaabo kala gadisan yoolkaaga ula dagaalamaan dano kala duwana ka leh isla markaana ay ku jiraan waxaa loo yaqaano quudhi waa iyo inay kula nacaan oo ku dhahaan waar waxan maxaad kaga meeraysanaysaa orod oo waxaa samee oo waxay kugu riixayaan wax yaabo kale oo aanad  hami u lahayn  sidaa awgeed waa inaanad u joojin gantaalada xaasidnimo ama u quudhi waa ee kaaga iman kara dhinaca qaraabadaada.

2.  Kooxda labaad ee yoolkaaga dhuljiifka ku ahi ama ku noqonkartaa waa saaxiibadaa oo waxay is dhahayaan siduu hebel idiin dhaafaa ama waxay ka fakirayaan ano kale dabeeto waxay kugu abuurayaan ama ay ku galinayaan carqalad aan laga soo waaqsan waxaa kale oo laga yaabaa inay si bilaa sabab ah kuu hor istaagaan waanay dhacdaa sidaa awgeed waa inaad iska jirtaa.

3.  Waxaa kale oo isna doorka ugu muhiimsan ee ladagaalnka yoolkaaga qaadan karaa waa danbigaaga waana shay aynu sahashano had iyo goor waayo hadaad danbiile tahay oo aad ilahay caasido ama aad umada dhibaatayso ama aanad xaraan iyo xalaal kala aqoon waxaad halis ugu jirtaa inuu yoolkaagu halaagsamo oo aad gaadhi waydo waayo cida hada kula tagaalamaysaa waa ilahay danbigaaga awgii oo waxaa ilahay kugusababi karaa arimo kale iyo meelo kale oo aanad arkahayn ayaa lagaa dilayaa markaa saaxiib waa inaad ilahay ka cabsataa oo iska ilaalisaa danbiga nooca uu doono ha ahaadee.

4.  Bulshada ayaa iyaduna door ku leh caqabad ku noqoshada yoolkaaga iyadoo ay markastaba bulshada aad ku dhex nooshahay ay door muhiim ah ka qaadato xaqiijinta iyo ku fashilanka xaqiijinta yoolkaaga waayo waxaa laga yaabaa in bulshada qaar ku dhiira gashaan qaarna ay kaa caydhshaan yoolkagaa iyaga oo kaa baqadsiinaaya ama ku baqdin galinaaya iyadana waa inaad ka taxadirtaa.

5.  Waxaa isaguna jira nin lagu magacaabo six un wax u sheeg oo isagu goor kastaba u tagaan inuu kugu akhriyo waxaan waxba ka jirin oo ah been waxaa uu ku dhahayaa waa iska daa waad ku fashilmi ma adigaa awoodeeda leh inaad halkaasi gaadho waxaa uu kugu afuufayaa erayo wada kayaab iyo dayro ah dabeeto hadaad tahay nin beer nugul waad baqanaysaa halkaana waxaa ku joogsanaaya yoolkaaga inaad gaadho.

6.  Tan ugu danbaysaa waa baqasho adiga kaa timaada oo aad is dhahdo waxaan samayn kari maysid waad ku fashilmi iyo wax lamid ah iska jir oo iska ilaali baqashada sababi karta inaad gaadhi wayso yoolkaaga.

 

Guntii iyo gunaanadkii waxaan leenahay waad guulaysan kartaa hadaa qodobadan u adkaysato.

 

W/Q: JAMAAL CABDILAAHI MUXUMED (ABU CIZA)

EAMAIL: jamaalsuxufi@hotmail.com