Booliiska oo Xidhay Masuuliyiin Wadani ah, kuwo hore u Xidhnaana soo daayey

0
97

Hargeysa(Waaheen) Ciidanka Booliska Somaliland ayaa shalay magaalada Hargeysa ku xidhay Xubno ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani. Xubnaha ayaan la qabtay abaaro duhurkii Shalay iyagoo maraya jidka hawlbawlaha ah ee Madaxtooyada hor kadibna lagu xidhay Xabsiga dhexe.
Xubnahan waxaa ka mid ah Guddoomiye ku xigeenkii Afraad ee Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani Marwo Milgo Maxamed Cilmi (Milgo-sanbalooshe), Hinda Xasan Idiris iyo Daa’uud Food Cade.
Xoghayaha Xanaanada Xoolaha Ee Xisbiga Mucaaradka Ah Ee Waddani Xasan Goodaad ayaa xabsiga laga sii daayay.
Xasan Goodaad ayaa xabsiga loo taxaabay ka dib markii lagu soo eedeeyay in uu u hanjabay guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland, kaas oo uu ku eedayanayay in uu ka dambeeyo khilaafka golaha wakiilada Somaliland.
Dhawr jeer ayaa la hor keenay maxakamada, waxaana loo tiriyay eedaha loo haysto, hasayeeshee Md:Xasan Goodaad ayaa isagu beeniyay.
Xukuumadda Somaliland illaa hada war kamay bixin xadhiga iyo soo daynta xubnaha Xisbiga Wadani.