Somaliland vs Somalia: Aqoonsiga Falastiin iyo Aduunka ka eeg Khariiradan……

0
76

Alta- ()- Falastiin Waxay ku taalaa Bariga dhexe waxay ku taalaa bariga Dhexe waxaana dusha ka haysata Israaiil oo sheegata dhamaaan dhulka ay degen yihiin, Aduunku wuu ku kala aragti duwan yahay Dalka Falastiin iyo dadkiisaba .

Wadamada Reer galbeedka ayaa ugu yeedha magacyo ay ku diidayaan inay falastiiin tahay dalk aduunka ka jira waxaanay ugu yeedhaa markay rabaan inay ka hadlaan  Marinka Gaza iyo Daanta Galbeed iyo wax la mid ah, Halka dadka wadaankaasna markay Dunida galbeedka u safraan loo diiwaan geliyo dad bilaa Dalka ah.

Markay Sidaas tahay Maanta dadka iyo Dalka Falastiin waxay haystaan Taageero ka badan tii ay hore u haysan jireen waxaana Aqoonsadey 135 Dal oo Xubno ka ah Qaramada midoobay iyo weliba kuwa ahayn oo iyagu laftoodu bilaa aqoonsi ah balse itaalkooda u fidiyey aqoonsi la mid ah taa ay dunida kale siisey..

135 dal ee aqoonsadey waa 70% Dalalka Aduunka ama hadii si kale loo soo gaabiyo 7/10 kiiba Dadka ku noolina waa 80% Dadka aduunka ku nool 8/10.

Dalkii ugu danbeeyey ee Aqoonsadey Falastiin wuxuu ahaa dalka Sweden oo 30.10 14 Baarlamaakiisu ou codeeyey Aqoonsi la siiyo falastiin, iyadoo codkeedu gaadhi karo meel ka fog wadamo badan oo dunida 3aad ah oo hore u aqoonsadey Faltiiniyiinta.

Waxaa sidoo kale lagaga hadley in aqoonsi lasiiyo falastiiniyiinta Golayaasha Sharci dejinta ee dalka ingiriiska, Spain, iyo weliba ireland, iyadoo wadanka Norwayna Xisbiga SV loo yaqaan xubnaha kaga jira Baarlamaanka Norway uu usbuucyo ka hor Baarlamaanka usoo jeediyey in laga doodo Aqoonsi la siiyo Falastiin.

Markay sidaas tahay Waxaad arkeysaa aqoonsiga ay bixiyeen 135 dal ama dadka aduunka ku nool 80% ka mid ah balse aanay bixin wadadama sida USA, UK, Germany iyo France iyo kuwa la xulafada ahi Macnihiisu inuu yahay uun Taas iminka dunida u muuqata idinku aad indhihina ku aragteen..

Hadaan usoo Gudbo Somaliland iyo Somalia maxaa ka khuseeya sida aad Cinwaanka ku aragtaan ?

Khariidadan aan idiin soo qaadey Waxaan kasoo xigtey Joognaalka Aftenposten ee kasoo baxa dalka Norway waxaanu si cad u muujinayaa in Somaliya ay Aqoonsatey Falastiin halka aanay Somaliland Aqoonsan !

Khariidadan waxay marka hore muujinaysaan in Aduunku ogyahay Somaliland, Waxay kale oo muujinaysaa inay kala siyaasad yihiin Somalia iyadoo weliba hadana Muujisey inay dal gaar ah ka tahay sida aad ka aragteen halka ay marisey Xuduuda Somaliland, Waxa kale oo ka muuqata in africa 3 dal aanay aqonsan Falastiiniyiinta Somaliland, Eritera iyo Cameroon.

Dadka arka Map-kan ee aan Africa kala aqoon waxay markiiba u turjaban karaan inay 3 dal isku afkaar yihiin Sida wadamada kale ee reer galbeedka ah aan aqoonsaniba isugu afkaar dhaw yihiin

Somaliya hadey aqoonsatey muxuu soo kordhinayaa Aqoonsigeedu ? Hadii aanay Somaliland aqoonsan iyadana muxuu soo kordhinayaa?

Jawaabaha oo koob kooban .

Aqoonsiga ay Somaliya siiso Falastiin Waxba masoo kordhinaayo Somaliyana Ujeedo sidaas usii weyn kama laha waxaana dhici kartaba in Safiirka Somaliya Jaamacada Carabta u joogaa uu Aqoosnigaas gaadhiisyey Miiska Jaamacada Carabtu ay ku Shaaheyso.

Jawaabtan waata ugu dhaw xaga runta waayo Somaliya ma laha awood siyaasiya oo aduunka gaadhsiisan Aqoonsiganiba wuxuu ku yimi Maadaama ay ka tirsan tahay Jaamacada Carabta inay Fariinteedu tahay Waxaad isku Raacdaan waanu Ogolnahay.

Aqoonsi ay Somalilan diiso Falastiin wuu ka duwanaan lahaa ka Somaliya Xiisona wuu yeelan lahaa , Markey ugu yaraato aduunka ayaa is waydin lahaa Somalilandta wax aqoonsanaysaa maxay ahayd? ileen waxay maqleen inay somalia aqoonsatey mar horee maadama aad laysugu khaldo labadan magac.

Waxay kale oo soo kordhin lahayd in Jaamacada Carabta oo hore la inoogu direy inoo Fahanto si ka duwan sidii ay hore inooga haysteen oo waxaabad la socoteen inay inoo diideen inaynu Passport-keena Waajibka ilaahay ina saarey kusoo gudano.

Waxay kale oo soo kordhin lahayd inaynu Waxaynu dan moodnana diida karno

 

La soco Qormo 2aad

 

Mohamed Opil

Mohamedabdi@live.no

Alta. Norway

Mohamed Abdi (Opil)
Ekornvingen 10,9510 
Alta, Norge
Tlf: +47 458 01 931