Shirkii Beesha Reer Axmed Yare oo soo gebo-gaboobay iyo Baaqa Shirweynaha guud ee Beesha Axmed Faarax Biciide(Habar-Jeclo) kasoo baxay‏

0
264
Shirweynahan Guud ee ay  Beesha Reer Axmed Yare  mudooyinkii u danbeeyayba  socday  lasoo gunaanaday isla dhamaadkii bishii 11aad 2014.
Waxana Shirkaasi oo ay kasoo qayb galeen Cuqaasha , Waxgaradka , Salaadiinta , Siyaasiyiinta , Masuuliyiinta Dawlwlada Xilalka ka haysa ,Aqoonyahanka , Qurba-joog , Dhalinyarada , Haweenka Yar iyo weynbaleh ee Beesha Reer Axmed Yare uu ka qabsoomay  Tuulada Laas-doomaare oo ka tirsan Degmada Huluul ee  Gobolka Sanaag .
Shirkan oo la baxay …………… ayaa Ajandaha guud ee shirka lagaga hadlayay ahaa ;-
1-Turxan bixin.
2-Wada-tashi.
3-Midnimo.
4-Nabadgalyo.
5-Illaalinta deegaanka.
6-Hortmarka.
7-Cadaalada.
Qodobada kaso baxay shirka ayaa waxaa ugu muhiimsanaa;-
1-In la sameeyo Guddi turxan bixin oo ka shaqeeya Midnimada iyo wada jirka Beesha Reer Axmed Yare .
2-In la illaaliyo deegaanka,lagana hortago wax kasta oo dhibaataynaya deegaanka.
3-Baaq ku aadan Xukuumada Somaliland oo ah sidii ay Mashaariic horumarineed usoo gaadhsiin lahayd deegaanada jiida Galbeedka Gobolka Sanaag sida Dhuur-cilaan , Baylah-male , Ceel-dibir , Buldhaalay , Gudmahaadle , Conqor Laas-doomaare , Dhoomo iyo kuwo kale oo baddan oo dhamaantoodba hoos yimaada Degmada Huluul ee G/Sanaag  dhamaanba Jiidahaasi oo aan qaarkood weligeed cagba dhign wax mashaariic horumarineed oo ka socda Xukuumada iyo Hay’adaha muxaliga ahba.
Waxana Madaxdhaqameedka ugu Muxrtarimka baddani ee Beeshaasi si niyadsami leh ugu mahad celiyeen cidii uu kasoo maaxday qabashada Shirkani.
Si kastaba ha ahaadee shirweynaha dhaqan ee Beesha Reer Axmed Yare ayaa kuso dhamaaday jawi wannaagsan.
Baaq Shirweynaha Ax,ed faarax BiciideWaxaana Shirkaasi laga soo saaray Baaq guud oo ku saabsan qabashada Shirweynaha Beesha Axmed Faarax Biciide .
Waxana Gudi abaabulka shirka beesha Reer Axmed Yare ka codsadeen Guud ahaan madax-dhaqameedka Beesha Axmed Faarax Biciide inay sida ugu dhakhsaha baddan isugu diyaariyaan kasoo qaybgalka shirkaasi, isla markaasina  qabashadiisa ku slaysan wakhtiga rasmiga ah ee la qabanayo isna  dhawaan la shaacin doono .
Wa Bilaahi Towfiiq
Gudoomiyaha Gudi Abaabulka Shirweynaha .
Mud Cabdirashiid Jibriil Yuusuf Axmed (Yare).