Sheeko Kale: Nijaar Gaboobaye

0
121

 

Cabdisalaam Yaasiin

Nijaar gaboobaye ayaa wuxu damcay in uu hawlgab noqdo oo shaqada ka fadhiisto. Madaxii shirkadda uu u shaqaynayay ayuu doonistiisii u sheegay. Madaxii ayaa ku yidhi, “Inta aanad shaqada ka fadhiisan gurigii u dambeeyay oo aad ku farayara yaraysato noo dhis. Ka dibna si raaxo leh u naso.” Isaga oo aan niyad u hayn, ayuu nijaarki codsigii madaxa ogolaaday.

Dhismihii guriga ayuu bilaabay. Ilayn waa dhis aanu qalbiga ku hayn, si aan xiiso iyo xamaas lahayna ayuu u waday shaqadii. Wuxu la tiicona, ugu dambayntii waa dhameeyay.

Ka dibna madaxii shirkadda ayuu u yeedhay oo gurigii tusay; furihii gurigana u dhiibay. Markii uu gurigii arkay madaxi ayuu ka biyodiiday.  Ka dibna furihii ayuu nijaarkii u dhiibay oo ku yidhi, “Nijaar, waa gurigii aad ku hawlgabtayay gal adigu!!!”

 

 

Ubax doox agtiisa ka baxay, ayaa dhagax-dixeed la hadlay. Wuxu ku yidhi, “ayDhagax Dixeed! Ma dhakow iyo dhadhaab baad tahay? Raxmaad iyo roob kuma rayside, ma raq baad tahay? Miyaan durdurkiyo daadku kaa degin? Mise dibiriyo, dusha-ka-caddaw, danayestaad tahay? Waad qalalantoo qarax baad tahee, miyaanad qoyayn? Meel naq doogliyo naruuro fadhido, miyay ku naceen? Mise dibiriyo, dusha-ka –caddow, daadka rooraa, dux wuxuu siday, docdaad gelisoo, ku dabooshoo, degem baad tahay? Ma dhaqaadide ma dhuljiifiyo ma dhergaad tahay?”

Dhagaxi ma dhaqaaqin.

Ma hadlin.

Ee waa aamusay!!!