Ciidanka Asluubta oo lagu tababaray Ilaalinta Xuquuqda Maxaabiista

0
79

 

Taliye Xiirane oo saraakiisha Asluubta u xidhay Tababarka

 

Hargeysa (Waaheen) Taliyaha Ciidanka Asluubta Sareyeguuto Maxamed Xuseen  Faarax (Xiirane) ayaa Tababar u soo xidhay Saraakiisha Sarsare ee Ciidankaasi kuwaasi oo baranayey Ilaalinta Xuquuqal Insaanka ee Maxaabista ku jirra Jeelasha Somaliland.

Saraakiisha tababarka la siinayey ayaa dhammaan Soddon sarkaal oo ka kala socday Taliska Guud ee Ciidamada Asluubta iyo Xarumaha Gobolada Dalka,

Ciidanka Asluubta Somaliland Sarreeye Guuto Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane)ayaa waxa uu ka Hadlay Faa’iidada uu leeyahay Tababarkan isaga oo sheegay in loo bahan yahay wixii ay barteen Ciidanku ay kula dhaqmaan Maxaabiistooda

Waxanu yidhi. “Maxbuusku meel kale kama Iman waa dadkeeni waxaana laynooga bahan yahay in aynu dhaqan celino isaga oo caadi ahna inaga baxo, aqoontii aad barateena waa in aad ku dabaqdaan shaqadiina oo Maxaabiista aad illaalisan”Ayuu yidhi Taliyaha Ciidanka Asluubta.