Itoobiya oo Maxkamadaynaysa Sagaal Qof oo ay ku eedeysay Basaasiin.

0
85

waxay ku eedeysay in ay Eratariya u Gudbiyeen Sirro Ciidanka Itoobiya ah
Ethopia (Waaheen)  Xukuumada Itoobiya ayaa ku soo oogtay 7 muwaadin oo dalkeeda u dhashay iyo 2 ka soo jeeda Eritrea in ay ciidamada dalka ee ku sugan soohdinta Eritrea dhaqdhaqaaqoda u gudbiyeen xukuumada Asmara.
Qareen u hadlay dawlada ayaa sheegay in 9 xubnood lagu soo oogay fal-danbeyeed ka dhan ah oo kala ah jaajuusnimo iyo in ay hub dalka ku soo galiyeen si xeerka ka baxsan.
Kooxdan ayaa xukuumada Eritrea u gudbin jirey sirta ciidamada intii u dhaxaysay Oktobar 2011 – May 2013-kii. Waxa ay gudbin jireen goobaha ciidamadu ku sugan yihiin, tiradooda iyo taakulaynta ay ciidamadu helaan iyaga oo xogaha gudbintooda loogu badali jirey lacag.
Waxaa kale oo kooxdan lagu eedeyey in ay basaasi jireen qaxootiga Eritrea iyo ururada mucaaradka ah ee ka soo horjeeda kuwaas fadhigoodu yahay Itoobiya.
Labada dal, oo isku wajahay dagaal dhanka xadka ah ,ayaa wali ku jira xaalada aan col iyo nabad midna ahayn.
Eritrea ayaa eedeynta Itoobiya aan wali wax jawaab ah ka bixin iyada oo ay caadi noqotay in labada wadan isku eedeeyan in midba ka kale amaankiisa u khalkhalinayo.
Dhagaysaga dacwada dhanka ka ah kooxdan ayaa wali socota.