Hawl wadeenada La Dagaalanka Dabka Madaarka Caalamiga Ah Ee Cigaal Oo Tababar Loo soo Xidhay

0
124

10441037_1548273065389979_1804814636777396407_nHargeysa (Waaheen) Maamulaha Madaarka Cigaal Maxamed Yuusuf Ismaaciil oo faahfaahin ka bixiyey Tabar mudo sadex bilood ah u socday hawlwadeenada dab-damiska ee madaarka caalamiga ah ee Cigaal oo shalay la soo gabagabeeyey.
Xidhitaanka tababarkan ayaa waxaa ka qayb galay Agaasimaha Guud ee wasaaradda duulista hawadda iyo gaadiidka cirka Md. Cumar Cabdilaahi Aadan, khabiirka tababarka bixinaayey ee ka socday hay’adda duulimaadyada u qaabisan qaramada midoobay ee ICAO. Mr. wellyam, Maamulaha madaarka, iyo masuuliyiin kale.
Halw wadeena la tacaalida dabka ayaa goobtaas ku soo badhigay awooda ay u leeyihiin bakhtiinta dabka iyagoo bakhtiiiyey dab si ku talo gal ah loo shiday, dabkaas oo ahaa 10 taayar, waxay ku bakhtiiyeen Labaadhan Ilbidhiiqsi.
Maamulaha Madaarka Cigaal Maxamed Yuusuf Ismaaciil oo halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Waxaanu maanta halkan ku soo khatinay tababar u socday shaqaalaha madaarka qaybta dabdamiska oo u socday muddo sadex bilood ah, shaqaalahaas oo gaadhaya 14 shaqaale ah oo uu wax baraayey khabiir ajnab ahi, tabaabrkan oo ahaa wajigii labaad ee la siiiyey shaqaalahan.”
“Waxay hawlwadeenadaasi galabta halkan ku soo bandhigeen xirfadooda iyo aqoonta ay u leeyihiin la tacaalida dabka, waxaanay bakhtiiyeen dab si ku talo gal ah loo shiday, dabkaas oo ahaa taayiro la gubay oo u dhigmaayey diyaarad 24 ah, dabkaas oo baxaayey daqiiqado kooban ayey shaqaaluhu markiiba bakhtiiyeen looba bakhtiisi sidii laga filayey, waxaanay muujiyeen in ay si fiican uga faa’iidaysteen tababarkii u socday mudada.”
dabdamiska ee madaarku muhiimad weyn ayey ugu fadhidaa garoonka ,taas oo ah badbaadada iyo bad qabka madaarka waana halbeegayaga labaad marka laga yimaado amaanka oo ah qaybta kowaad, waana waaxaha dib u habayanta iyo tayaaynta aanu mudoba ku wadnay wasaarad ahaan, ugu danbeyntii waxaan aad ugu faraxsanahay qaybta dabdamiska ee madaarku in ay tahay qayb u qalabayasan una tayaysan sidii ay dabka ula tacaali lahayad.” Ayuu yidhi Maxamed Yuusuf