Daacish oo qabatay haweenay Yuhuudiyad ah oo u Dagaalamaysay Kurdida

0
79

Syria (Waaheen) Kooxda IS (ISIS) ayaa internetka ku shaacisay inay gacanta ku dhigeen haweenay wadata dhalashada dalka Canada iyo Isra’iil isla markaana ku biirtay kooxaha kurdida ee la dagaalamaya Daacish.
Haweenaydan oo lagu magacaabo Gill Rosenberg ayaa la sheegay inay tahay haweenay yuhuudiyad ah oo haysata dhalashada Isra’iil iyo waliba Canada, waana haweenaydii ugu horeysay oo reer Galbeed ah oo dalka Siiriya u tagta inay ku biirito kooxaha Kurdida ee dagaalka kula jira kooxda IS (ISIS)
Dowlada Canada ayaa sheegtay inay baadhitaan ku wado warka ay shaacisay kooxda ISIS.
Waxaa jira tiro dad reer galbeed ah oo u badan oo ka yimid dalal ay ku jiraan Maraykanka, Canada iyo Ingiriiska oo si toos ah ugu biiray kooxaha Kurdida ee dagaalka kula jira kooxda ISIS.
Balse waa markii ugu horeysay oo haweenay usoo dagaal tagtay Siiriya ay gacanta ku dhigaan kooxda ISIS.