BAAQ ku wajahan bulshada reer Somaliland: Maxamuud Raage Ibrahim

0
118

maxamudBAAQ

ku wajahan bulshada reer Somaliland

 

XISBIGA WADDANI ee SOMALILAND (Somaliland National Party)

Xafiiska Xoghayaha Siyaasada ee Xisbiga Waddani

01/12/2014

Xisbiga Waddani Waxa uu ka dayrinayaa Xaaladda Aynu galnay Waxaana uu ka digayaa hagardaamooyinka mugdiga galinaya masiirka Ummadda iyo Dalka JSL

Xisbiga waddani waxa uu soo dhoweynayaa go,aanadii ay gaadheen guddiga Khilaaf saarka ee golaha guurtida, Xisbigu waxa uu diirada saarayaa sida loo fuliyo heshiisyada la gaadhay , gaar ahaan Qodobada 7aad oo aanu sugeyna sida ay guurtidu ka yeesho Xeerka 37aad ee codbixiyaasha, iyo Qodobka 9aad ee lagu joojiyey ololeynta doorashooyinka taasoo ay anaga isugu kayo mid yihiin dawlada iyo Xisbiga Kulmiye waxaa durtaba muuqata in heshiiskii laga baxay , marka  aad eegto Gabilay ee marwada Madaxweynaha iyo xubno ka tirsan wasiirada taasoo kulankaasi ahaa taageero doon, iyo kii madaxweyne xigeenka iyo xubno kale oo xisbiga Kulmiye ahi ku tageen Berbera, markaa Balan daro waa diin daro, waxaa marqaati madoonto ah in durtaba ay ka baxeen balantii, sidii u ahayd Caadada. Xisbiga Waddani waxa uu soo dhoweynayaa ansixinta Gudiga Doorashooyinka ( Somaliland Election Commission) taasoo aanu u balan qaadeyno wada shaqeyn buuxda si ay doorashadu u qabsoonto.

Xisbiga Waddani waxa uu u arkaa dhacdooyinka is-dabajoogga ah ee wadanka ka socdaa indhoweydba oo ay dawladdu hoggaaminayso kuna wajahan shacabka, wakiilada shacabka iyo hay’adaha dastuuriga ah ee dalka in ay yihiin kuwo dhaawacaya Somaliland dal ahaan iyo dad ahaanba haddii aan si deg deg ah wax looga qaban.

Hadaan la sixina, waxay keeni karaanin jid khaldan innaga maraan dawladnimadii iyo habkii dastuurigaahaa oo innaga majara-habaaba; oo ah waxii dadka usoo halgamay ee uu dhistay mudada ka badan 20ka sano inaga wiiqmaan.

Xisbiga Waddani waxa uu canbaareynayaa Cabudhinta iyo xidhxidhida dhalinta reer Somaliland, gaar ahaan ururka Jiidali, iyo kuwii lagu xidhxidhay degmeda garadag, waxana aanu kula dardaarmaynaa Dhalinta reer Somaliland in ay ilaashadaan dalkooda oo aanay marnaba u horseedin nabadgelyo xumo.

Xisbiga Waddani waxa uu cuquusha iyo indhaha waxgaradka Somaliland ugu baaqayaa in ay fiiro dheer u yeeshaan dhacdooyinka socda iyo cawaaqib-xumada ay dhaxalsiin karaan Somaliland. Xisbiga Waddani waxa uu arkayaa Somaliland oo ku sii siqaysa xaalad qallafsan oo aan laga soo waaqsan doonin haddii aan wax iska bedelin oo nidaamka hadda jiraa sixin talaabooyinka ka dhanka ah sharciga iyo curfigii siyaasiga ahaa ee ay Somaliland kusoo nabad iyo caano maashay.

Xisbiga Waddani waxa uu tilmaamayaa fartana ku fiiqayaa dhawr qodob oo halbawle u ah bulshadeenna iyo dalkeenna si aynu ugu noolaano nabad iyo nidaam una hiigsano horumar waara. Kuwaas oo aan cid gaara dan u ahayn cid gaarana ceeb iyo dhaliil ku ahayn. Waa arrimo inoo yaalla bulsho ahaan dhammaanteen in aan ku baraarugno.

 

 

  1. 1.     Haykalka Dawladnimo
    1. Kala-madaxbannaanta Hay’adaha Dawladda:“Dhismaha Qaranku wuxuu ka kooban yahay saddex waaxood oo kala ah: Xeerdejinta, Fulinta iyo Garsoorka. Kala xadaynta awoodaha saddexda waaxood waxay noqon doonaan sida uu Dastuurku dhigayo. Waax waliba awoodda Dastuurku u gaar yeelay way u madax bannaan tahay.”Sidaas waxa odhanaya qodobka 37aad ee Dustuurkeenna. Sidaas darteed, ma haboona in Waax kaliya loo sadqeeyo waaxihii kale ee qarankani ku taagnaa. Weliba, 42 qodob oo Dustuurka kamid ah ayaa faahfaafinaya shaqada iyo hawlaha Xeer-dejinta oo ka kooban labada Gole ee Guurtida iyo Wakiilada (18 qodob oo Wakiilada ah iyo 24 qodob oo Guurtida ah), halka 17 qodob kali ahi ka hadlayaan shaqada Waaxda Fulinta (Xukuumadda) 10 kalena ka hadlayaan Waaxda Garsoorka. Xeer-dejintu waxa ay ka kooban tahay Guurtida iyo Wakiilada waxaana ay dalka ugu fadhiyaan ahmiyad ballaadhan hase ahaatee waxa shiiqisay Waaxda Fulinta oo Xukuumadda ah.

Waxba ma rabno in aan halkan ku faahfaahino hase ahaatee, sida ay doonto haku timaaddo ee labada waaxood ee kale (Xeer-dejinta iyo Garsoorka) waxa ay u baahan yihiin in aan wada ilaashano, xoojinno oo kaalinta ay dawladnimada ku leeyihiin lagu ilaaliyo.

  1. Ilaalinta Haybadda iyo Sharciyadda Hayadaha Dawladda:Saraynta sharcigu waa asaaska dawladnimada waana astaanta lagu garto heerka laga taagan yahay fahamka dawlad dimuqraadiya. Hirgalinta sharciga waxa ka masuul ah hay’adaha dawladda ee u xilsaaran ku dhaqankiisana. Ma haboona in waaxaha kor ku xusan midna la wiiqo miisaanka iyo meeqaamka ay wadanka u leedahay. Waxa mudan in hay’ad kasta la xoojiyo lana dhawro sharciyadeeda. Tusaale ahaan, go’aamada kasoo baxa goleyaasha sharci-dejintu waa in ay lahaadaan miisaankooda oo aan si fudud lagu jabinin. Tusaale waxa ka ah, go’aankii Golaha Guurtidu hore uga soo saartay khilaafkii Golaha Wakiilada hase ahaatee iyada oo aan la tixgelinin la baal maray. Dhacdadani waxa ay xagal-daac weyn ku tahay go’aamada dambe ee golahan ama kuwa kale ee ay soo saaraan waxaana ay micno tiraysaa haybadda Golaha Guurtida. Tusaale kale waxa ah xildhibaannadii golaha wakiilada ee xabsiga la dhigay iyada oo dustuurkeennu leeyahay sidan “Ma bannaana in laga qaado xubinta Golaha Wakiilada tallaabo baadhitaan ama waraysi ama qabasho ama xidhitaan ama tallaabo kale oo ciqaab la xidhiidha iyadoo oggolaansho looga helo Golaha Wakiilada mooyaane”, sidaas waxa odhanaya qodobka 49aad ee Dustuurka Somaliland.
  2. Kala-fogaynta Ciidamada Amniga iyo Siyaasadda: Tilmaamaha ugu waaweyn ee ay ku kala duwan yihiin dawladaha kalitaliska ah iyo kuwa dimuqraadiga ahi waa hadba inta hay’adaha amniga iyo siyaasaddu isu jiraan. Waa cibaaro xun in siyaasadda iyo ciidamada amniga ilaaliyaa isku soo dhawaadaan sababta oo ah siyaasaddu waa mid la xidhiidha tartan joogto ah oo ka dhexeeya muwaadiniinta, tartankaas oo loogu jiro hanashada hogaanka wadanka amniguna waa adeeg kamid ah adeegyada ugu mudan ee muwaadin kastaa xaq u leeyahay. Haddiise ay labadaasi is galaan oo hayadaha amniga xisbiga ama cidda markaas talada haysaa u adeegsado muquuninta iyo cadaadinta kuwa ay is hayaan, halkaas waxa dhaawacmaya kalsoonida lagu qabo hayadaha amniga ah ee dadka oo dhan u dhexeeya.

 

Hayadaha amnigu waa in ay ka madaxbanaanaadaan tartamada siyaasadeed ee u dhexeeya xisbiyada qaranka.Haddii cid gaar ahi si gaar ah u isticmaasho hayadaha amniga waxa ay luminayaan kalsoonida ay shacabka ku qabaan waxaana ay gaadhi kartaa in kalsoonida dawladnimada lagu qabaa wiiqanto. Waxa si gaar ah aan ugu baaqaynaa in aan ciidanka lagula dagaalamo argagixisada ee RRU aan loo adeegsanin arrimaha siyaasadda; arrintaasina waa mid khatar weyn keeni karta.

 

Waa laga yaabaa in maanta cidda ciidanka amarka siinaysaa ay dano gaara ka leeday laakiin tani uma adeegayso nidaamka dawladnimo maadaama oo cidda maanta xilka haysaa aanay berri haynin.Waxa wanaagsan inay madaxdu dadkooda u dhigaan dhaqan siyaasadeed oo xalaal ah oo laga dhaxlo oo aan ku dhisnayn curfi iyo cadawtinimo dadka ay kula dhaqmaan hay’adaha amniga ee ku shaqeeya taageerada shacabka ee dhan kasta leh haday noqoto cashuur iyo haday noqoto dadka oo iyagu amniga si toos ah ugala shaqeeya hayadahaas.

 

Xisbiga Waddani waxa uu cod dheer ku sheegayaa in siyaasadda iyo hayadaha amniga iyo difaaca dalku ay kala madax baanaanaadaan oo ciidamadu aanay laynin kuwii ay ahayd inay difaacaan.

 

Waa laga yaabaa in maanta cidda ciidanka amri kartaa aanay dhib u arag laakiin waxa xaqiiqo ah in midkaa maanta amarka bixinaya isaga laftiisa loo adeegsan karo burrito hadduu jidkaa jeexo. Waxa tusaale innagaga filan Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Amniga ee asaasay unugga RRU ay isaga laftiisii guriga ugu dhaceen! Sidaas darteed, wax ka habooni ma jiro in la kala durkiyo siyaasadda iyo ciidamada amniga.

  1. Ilaalinta Kalsoonida Shacabku ku Qabo Dawladnimada: Dawladnimo waxa ay ku dhisan tahay kalsoonida dadkeedu ku qabo. Kalsoonida dawladnimada lagu qabaa waa tabaadul (reciprocity), waxaana ay ku sii siyaaddaa hadba inta ay dawladdu dadweynaha u buuxiso baahiyahooda asaasiga ah sida cadaaladda, nabadgelyada, kala-dambaynta, ilaalinta shuruucda iyo hadba sida ay waajibaadkeeda u gudato. Haddii dadweynuhu dawladda ka waayo gudashada waajibaadkeeda waxa ay ku kalifaysaa in ay u raadsadaan meelo kale sida in nidaamka qabiilku buuxiyo halkii qarannimada. Haddaba, shayga ugu weyn ee uu Xisbiga Waddani ku baaqayaa waa cadaaladda iyo sinaanshaha muwaadiniinta. Horaa loo yidhi, “Rag caddaalad waayey, sidii cawsha kala yaac”.

 

  1. 2.     Ilaalinta Dustuurka iyo Qawaaniinta Kale ee Wadanka u Degsan
    1. Mabaadii’da Asaasiga ah ee Dustuurka: Qarannimada iyo dawladnimada Somaliland waxa u heshiis ah Dustuurka ay ummaddu aftida qaran ugu codaysay. Dastuurkaasi waxa uu ku taagan yahay mabaadii’ ay kamid yihiin talo-wadaag, sinaansho, dimuqraadiyad iyo nidaamka xisbiyada badan. Mabaadii’daas waxa kale oo kamid ah xuquuqda siyaasiga ah ee muwaadinka, xuquuqda sinnaanshaha dhaqaale iyo xaqqa doorashada. Waxa aan qarsoonayn in dad badan dhibaato kasoo gaadhay iyaga oo isticmaalaya xuquuqaha asaasiga ah ee Dustuurku dammaanad qaaday. Waxa kamid ah xuquuqda siyaasiga ah oo qofku xor u yahay in mabda’a siyaasadeed ku raaci karo cidda uu u arko in ay saxasan tahay. Ma haboona in aan ogolaano in ay qofna cabsiyi ka gasho cabiridda rayigiisa siyaasadeed laakiinse way dhacdaa.
    2. Xorriyadaha Dustuurku Dammaanad Qaaday: Marka laga yimaaddo mabaadii’da saldhigga u ah Dustuurkeenna iyo xuquuqaha asaasiga ah ee ay tahay in la ilaashado, waxa iyaguna jira xorriyado iyo xuquuqo asaasiya oo Dustuurkeennu dammaanad qaadayo waxaana kamid ah: xorriyadda saxaafadda iyo warbaahinta, xurmaynta hoyga, dhaq-dhaqaaqa iyo is-abaabulka, xorriyadda bannaanbaxyada iyo ra’yi dhiibashada iyo kuwo kale (eeg qodobada Dustuurka 8 ilaa 36). Haddaba, waxa beryahan dambe innagu soo badanaya tacadiga iyo ku xad-gudubka xorriyaadka iyo xuquuqda asaasiga ah ee ay tahay in aan wada ilaashano.

 

  1. 3.     Wadajirka iyo Midnimada Ummadda
    1. Talo-wadaag iyo ka Wada-tashiga Arrimaha Masiiriga ah: Dhaqan ahaan iyo Dastuur ahaanba waxa dadkeenna astaan qaran oo lagu majeerto u ahayd talo-wadaagga iyo ka-wadatashiga arrimaha masiiriga ah. Sidaas darteed, waa lagama maarmaan in lasoo celiyo talo-wadaaggii oo bulshada qaybaheeda kala duwan iyo hayadaha dawladda lagala tashado arrimaha masiiriga ah sida wada-hadalka Somaliland iyo Somalia u socda. Wada-tashiga iyo hebelow maxay kula tahay faa’iido mooyee dhib kuma jiro. Wadatashiga waxa looga fadhiyaa hadba ciddii talada haysa. Wada-tashigu ma aha aan wada talino ee waa aan wada tashano. Bulshada waxa metela ururro bulsho, kuwo xirfadeed iyo goleyaal qaran. Xeer la diyaarinayo ayaa ka maarmi waayey in bulshada qaybaheeda kala duwan ee uu khuseeyo lagala tashado, sidaas ayay wixii ka weynina ugu baahan yihiin.Wada-tashigu waxa uu siyaadiyaa midnimada iyo wadajirka ummad iyo qaran ahaaneed.
    2. Beelaha Isku Oodda ah: Duruufaha nolosha ayay kamid tahay in dadka intii is xigta wax dhex maraan wanaag iyo samoba. Beryahan dambe waxa jira in beelo isku deegaan ah oo tiro badan khilaafaad ka dhex jiraan. Haddii aan wax laga qabanin waxa ka dhalan kara dhib midka taagan ka badan. Sidaas darteed, waa in beelaha wada degaa wada-hadal iyo is-afgarad ku dhammaystaan dhibaatooynka u dhexeeya dawladda iyo dadka intiisa kalena ka caawiyaan.
    3. Qabyaaladda: Xisbiga Waddani waxa uu u taagan yahay in siyaasaddu ay ku dhisnaato nidaam xor ah oo xalaal ah oo ka fog qabyaalad iyo casabiyad. Dawladdu waa inaanay dadka u horseedin in ay ku noqdaan marxalad laga soo gudbay. Xisbiga Waddani waxa uu soo dhawaynayaa midnimada dadka walaalaha ah ee Somaliland, wixii tabashooyin ah ee dhexdooda ka jirana in ay wada hadal iyo isu tanaasul ku dhamaystaan ayaanu kala shaqaynaynaa oo aanu ku taageeraynaa. Xisbiga Waddani waxa uu u taagan yahay nabada iyo midnimada dadka reer Somaliland. Madaxda Xisbiga Waddani kuma suntana wax kasta oo dadka hore u kala fogeeyay ama imika kala fogaynaya. Waxase ay ku suntan yihiin doorkii ay ka qaateen dhismaha iyo horumarka nidaamka dawladeed ee aynu haysano oo ay kamid tahay doorkii ay madaxda Waddani ku lahaayeen dimuqraadiyada wadanka ee keentay in xukuumada maanta ay talada ku qabato. Xisbiga Waddani waa xisbi qaran waxaana uu kaalinta 2aad ka galay tartammadii ururradii siyaasadda isaga oo degmo kasta oo wadanka kamid ah kaalmaha 1aad, 2aad iyo 3aad ka galay. Taasi waxa ay cadaynaysaa baaxadda uu ku fadhiyo. Waxa aannu ummadda reer Somaliland ugu baaqaynaa in ay qarannimadooda ilaashadaan.

 

  1. 4.     Maalgashiga, Amaankiisa iyo Xasiloonida Dalka
    1. Shirkadaha iyo Maalgashiga: Shirkadaha maxaliga ah iyo kuwa shisheeye ee maalgashi wadanka ku samaynaya hala soo dhaweeyo hana loo fududeeyo wixii tas-hiilaad ah ee ay u baahan yihiin. Maalgashiga shrakadaha shisheeyuhu ssida kuwa shidaalka, waa in uu u dhaqangalaa si wafaaqsan shuruucda Jamhuuriyadda Somaliland, oo ay ku helaan ammanka ay u baahanyihiin; labada darafbana fa’iidona u dhalinaya. Qodobkani waa mid dastuuri ah eeg qodobka 53aad ee Dustuurka Qaranka JSL.
    2. Ciidamado Gaar ah: Wixii amniga khuseeya waxa u xilsaaran hayado amni oo leh shuruuc ay ku shaqeeyaan. Ma haboona ciidan hubaysan oo ka baxsan hayadaha sharciyaysan ee hawykalka dawladnimo kamidka ah. Sida aanay u bannaanayn maleeshiyo hubaysan oo cid gaar ahi leedahay, ayaanay u haboonayn in la sameeyo hay’ad amni ka baxsan xayndaabka hayadaha amniga ee jira. Haddii la is tuso in loo baahan yahay, waa in laga saaraa shakiga oo ciddii wax ka tabata laga jaahilsaaraa.Khayraadka wadankeenna ku jiro in lasoo saaro waa waajib inna wada saaran deegaannada laga soo saarayaana waa in ay wanaag u arkaan kana qaybqaataan hirgelinta mashaariicda lagu soo saarayo laakiin ma aha in ay u arkaan in lagu sandulaynayo oo ay cadow kusoo duulay loo tuso ama u arkaan. Cidna laguma sandulayn karo horumarkooda.“riyo qoor-qabasho kuma biyo cabaan Halka ciidamo looga samaysanayo waxa ay tahay in dadka la gaadhsiiyo heer ay iyagu ilaashadaan horumarka loo samaynayo oo ay xoolohooda u qalaan.
    3. Ka-hortagga Khilaafaadka Dhaqaale: Tartamada dhaqaale waxa u sal ah is-kaashi iyo shuruucda dalka u taalla oo la xaq-dhowro. Waxa ganacsatada ugu baaqaynaa in uu tartan walaaltinimo oo caafimaad qabaa ka dhexeeyo. Mashaqooyinkii dhawaan dhacay waxa ay waxyeelo ku yihiin oo ay wiiqayaan wadajirkeenna iyo deganaanshaha dhaqaale. Waxa Xisbiga Waddani dhiirigelinayaa is-kaashiga ganacsatada isku shaqada ah, khaas ahaan kuwa deegaamo kala duwan kasoo jeeda, si loo adkeeyo isku-xidhka dhaqan-dhaqaale ee bulshada.
    4. Illaalinta Hantida Ummada: Illaalinta hantida qaranka waa waajib dastuuri ah oo saran guud ahaan dawlada , gaar ahaan hayadaha loo igmaday ina shaqadaas u qumaan waxa uu dhamaan shacabka Somaliland og yahay in Xafiiskii Hantidhawraha guud laga dhigay Fadhiid oo aanu marnaba la xisaabtami Karin wasiirada tunka waaweyn oo ku can baxay lunsiga hantida qaranka, waa ayaan daro in uu hantidhawruhu hayo shaqadii xisaabiyaha guud oo uu ka mid yahay shaqaalaha wasaarada maaliyada oo uu ka qeyb galo fadhiga shaqaalaha ee uu maamulo wasiirka maaliyadu , isaga oo ay ahayd in uu illaaliyo hantida qaranka.

Waxaa kale oo marqaati madoonto ah sidii loo kala diray hayadii qiimaha badnayd ee Hayadii la dagaalanka musuqmaasuqa iyo dawlad wanaaga oo Gudigii uu madaxweyne Siilaanyo uu yidhi kazoo talo bixiya sida dalkan aynu haya,adihiisa u dhisayno ay kula taliyeen, kadib markii ay xukuumada Siilaanyo ka baqday in ay Hayadani la xisaabtanto ayay ka hor tagtay Xeerkii lagu aasaasayey oo ay ka qaaday awooodi ka hortaga Musuqmaasuqa, Sidaa daraadeed ayaa 2 Masuul ee soo diyaariyey Xeerkeedii ay ku niyad jabeen, waxaan shacabka reer Somaliland ku baraarujinaynaa in ay Dawladan caadeysatay Iibinta hantida Qaranka, Boobka iyo dhaca cashuurta umada sidaa daraadeed Xisbiga Waddani waxa uu canbaareynayaa baa,binta hayada loogu talo galaay Illaalinta hantida Umada, waxana uu dawlada iyo hayadaha Dastuuriga ah ee ah 2 ka codsanayaa soo nooleynta Xafiiska Hanti dhawrka guud iyo Hayada Dawlad Wanaaga iyo la dagaalanka musuqmaasuga , lagana madax banaaneysiiyo Xukuumada oo la hoos keeno golaha Wakiilada.

 

Waad arkayseen dawladda Ingiriiska oo baarlamaankeedu ka doodayo shirkadaha sahaminta shidaalka ee Somalia ee aan baarlamaanka Somalia ansixinin heshiisyadooda. Somaliland oo 23 sano jirtay oo baarlamaankeedu jiray oo shaqaynayey oo sharci iyo kala dambayn ku noolay, miyaanay ceeb innagu ahayn in hal heshiis xattaa la tusi waayo golaheena , illaa hada ma gareynayno Heshiisyada la galay waxa lagula heshiiyey Hayadaha Shidaal Baadhista ama (Terms of  the Contracts)Mana garan karno mudada heshiisyadaas?maxay dawladeenu saami leedahay?yaa Bixinaya Qasaaraha ku yimaada Xoolaheena (Environmental  Crisis), Waa maxay heshiiska habka cashuur qaadistu

( Revenue policy) ma suurtoobayso in 2 nin ay guri hoostii ku xaraashaan hantida maguuraanka ah ee umada reer Somaliland leedahay , arinkaa Xisbiga Waddani waxa uu qabaa in lagu sameeyo dib u qiimayn heshiisyada sida ugu dhaqsaha badan loo soo hor dhigo golaha sharci dejinta qaranka Somaliland si loo qiimeeyo loona xalaaleeyo.

Gabagabo

Xisbiga Waddani waxa uu ururrada bulshada iyo xirfadaha kala duwan, kuwa madaxa bannaan iyo kuwa dawladda iyo shacabka guud ahaan dibed iyo gudaba ugu baaqayaa in ay meel uga soo wada jeestaan ilaashadaanna wadajirkooda iyo dawladnimadooda.Waxanu ugu baaqaynaa Xukuumadu inay ilaaliso sharuucda wadanka iyo koboca hay’adaha duwaliga ah ee aanay curyaamin.Waxa kale oo aanu ugu baaqaynaa inay dadka u ilaaliso xuquuqda uu Dastuurka JSL siiyo cid kasta oo ay ka mid tahay doorashooyin xor ah oo xalaal ah oo mudaysan.

 

Xoghayaha Siyaasadda Xisbiga Waddani

Maxamuud Raage Ibrahim